HomeCaalamka11 Qof oo ku dhimatay Dooni ku rogmatay Harada Volta ee Dalka...

11 Qof oo ku dhimatay Dooni ku rogmatay Harada Volta ee Dalka Gaana

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

11 Qof ayaa ku geeriyootay Dooni ku qallibantay Harada Volta ee Jasiiradda Sipom, ee Dalka Gaana, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee Dalkaasi. Dadkan ayaa ka mid ahaa 50 Qof oo kasoo ambabaxay degaanka Kete Krachi, kuwaasoo dalagga ka soo go’ay Beerahooda doonayay inay u iib geeyaan Sipom oo Caasumadda Accra dhanka Waqooyi bari kaga […]

- Advertisement -

11 Qof ayaa ku geeriyootay Dooni ku qallibantay Harada Volta ee Jasiiradda Sipom, ee Dalka Gaana, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee Dalkaasi.

Dadkan ayaa ka mid ahaa 50 Qof oo kasoo ambabaxay degaanka Kete Krachi, kuwaasoo dalagga ka soo go’ay Beerahooda doonayay inay u iib geeyaan Sipom oo Caasumadda Accra dhanka Waqooyi bari kaga beegan 430 Km.

- Advertisement -

Doonidan ayaa gebi ahaanba burburtay markii ay ku dhacday Geed Biyaha ku hoos jira, waxanay kooxaha gurmadku sheegeen inay soo badbaadiyeen 33 Qof, 6 kalana ay weli baadi goobayaan raq iyo Ruux.

Douglas Osei-Nti, oo ka tirsan maamulka Galbeedka Degmada Krachi , ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ay weli socdaan howl-gallada gurmadka, iyadoo Dadka ku dhintay shilkaasina ay ka mid ahaayeen Laba Haween oo xaamila ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories