HomeCaalamkaMid ka mid ah Ajaanibta ka barbar dagaalantay Al-Shabaab oo xukun lagu...

Mid ka mid ah Ajaanibta ka barbar dagaalantay Al-Shabaab oo xukun lagu riday

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Hadal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Ninkaasi oo lagu magacaabo Maalik Alim Jones oo 33 jir ah lagu xukumay Xabsi 35 sanno ah. Maalik Alim Jones oo ah Muslimka Maraykanka Madow ayaa lagu eedeeyey inuu ku biiray, kana soo barbar dagaalamay Xarakadda Alshabaab. Garsoore Paul Gardephe oo ka tirsan […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Ninkaasi oo lagu magacaabo Maalik Alim Jones oo 33 jir ah lagu xukumay Xabsi 35 sanno ah.

Maalik Alim Jones oo ah Muslimka Maraykanka Madow ayaa lagu eedeeyey inuu ku biiray, kana soo barbar dagaalamay Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

Garsoore Paul Gardephe oo ka tirsan Maxkamadda Heerka Degmo ee Manhattan ayaa sheegay inuu Maalik Alim Jones ku xukumay xabsi 35-sanno ah.

Garsooruhu waxa uu intaasi ku daray inuu Xukunkaasi ku xigi doono 5 sanno oo dusha lagala socon doono marka uu dhamaysti Xarigiisa.

Dacwad-oogayaasha Federalka ayaa sheegay inuu Maalik Alim Jones u soo socdaalay Somalia sannadkii 2011-kii, si uu tababar iyo dagaal kala qeyb galo Dagaalamayaasha Alshabaab.

- Advertisement -

Dukumentiyo Maxkamadeed ayaa la sheegay inay muujiyeen inuu Maalik Alim uu xubin ka noqday Ciiddanka Jaysh Ayman ee ka tirsan Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu kala qeyb galay Dagaalo ay la galeen Ciiddanka Dowladda Kenya, waa sida hadalka loo dhigay.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka. John Demers ayuu ku  sheegay in Muwaadiniinta Maraykanka oo u dhoofiya si say ugu biiraan Kooxaha Islaamiyiinta inay khatar xooggan ku yihiin Ammaanka Qaranka Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Maalik Alim Jones waxay Ciiddanka DFS soo qabteen bishii December ee sannadkii 2015-kii, xilligaasi oo uu doonayey inuu doon u sii raaco dalka Yemen.

Dacwad-oogayaasha Maraykanka ayaa sheegay inuu hadafkiisa ahaa sidii uu ugu biiri lahaa Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan Yemen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories