HomeCaalamkaMaraykanka oo ka codsaday Golaha Ammanaka ee QM kulan caawa looga...

Maraykanka oo ka codsaday Golaha Ammanaka ee QM kulan caawa looga hadlayo Duqeynta ay XAMMAS ka geysten Yuhuudda.

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Dowladda Maraykanka ayaa codsatay Kulankaasi oo ku soo beegmay iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda duqeyn ba’an ka geysteen Marinka Qasa. Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley ayaa ku baaqday Kulankaas Degdeg ah,  waxayna sheegtay inay Dhaqdhaqaaqa XAMAAS Hoobiyayaal ku garaaceen Yuhuudda. Waxay intaasi ku dartay in Duqeyntaas tahay tii ugu ballarnayd ee ay arkaan, […]

- Advertisement -

Dowladda Maraykanka ayaa codsatay Kulankaasi oo ku soo beegmay iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda duqeyn ba’an ka geysteen Marinka Qasa.

Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley ayaa ku baaqday Kulankaas Degdeg ah,  waxayna sheegtay inay Dhaqdhaqaaqa XAMAAS Hoobiyayaal ku garaaceen Yuhuudda.

- Advertisement -

Waxay intaasi ku dartay in Duqeyntaas tahay tii ugu ballarnayd ee ay arkaan, tan iyo sannadkii 2014-kii.

Nikki Haley kama aysan hadlin Duqeynta ay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda ka geysteen Qasa, waxayna shalay duqeeyeen in ka badan 35 bar-tilmaameed oo ay Dagaalamayaasha  Dhaqdhaqaaqa Islaamiga XAMAAS iyo Jihaad Islaamiyah ku leeyihiin Qasa.

- Advertisement -

Duqeyntaasi ayaa timid, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Falastiinityiinta ay shalay in ka badan 25 Hoobiye ku garaaceen dhulka Yuhuudda, iyagoo dhaawacay 3 Askari oo ku sugnaa Koonfurta Yuhuudda.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Guutaadda Al-qasaam iyo Al-qudus sheegeen inay Duqeymahaasi kaga jawaabayeen xadgudubyada ay Yuhuudda ku hayaan Reer Falastiin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories