HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo wada hadallo la yeeshay dhigiisa Dalka Kenya

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo wada hadallo la yeeshay dhigiisa Dalka Kenya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal cisho ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta wada hadallo kula yeeshay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas ee Uhuru Muigai Kenyatta. Madaxweyneyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ammaanka, la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada. Madaxweyne […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal cisho ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta wada hadallo kula yeeshay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas ee Uhuru Muigai Kenyatta.

Madaxweyneyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ammaanka, la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Kenya sida ay dowladdiisu u garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay kaalinta ay Kenya ka qaadaneyso Hawlgalka Nabad iIaalinta Midowga Afrika ee AMISOM si looga adkaado Al-Shabaab.

Waxyaabaha kale ee ay labada Madaxweyne ka wada hadleen waxaa ka mid ah iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isu socodka dadka iyo badeecadaha. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in waxa loogu yeero argagixisada ay isaga gudbaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuur gala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal.

- Advertisement -

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxa uuna intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, Wasiir Ku Xigeenka Wasaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo masuuliyiin kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts