HomeWararSawirrro:-Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo maanta la dhaariyay

Sawirrro:-Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo maanta la dhaariyay

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habeynta garsoorka dalka. “Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxa ay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habeynta garsoorka dalka.

“Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxa ay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku samaynaynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno Golaha Adeegga Garsoorka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xilka culus ee uu u magacaaabay, isaga oo ka codsaday laamaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo igmaday.

Guddoomiye Baashe oo hadal kooban jeediyay dhaarinta kaddib ayaa yiri: “Helitaanka garsoor hufan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeega caddaalad, waxa uu aasaas u yahay in la helo caddaalad oo iyaduna saldhig u ah wax kasta oo saameeya nolosha bini’aadamka.”

“Haddii ay noqoto horumar, haddii ay noqoto amni iyo haddii ay noqoto kor-u-kac dhaqaale dhammaantood waxaa aasaas u ah in la helo caddaalad, helitaanka caddaaladduna waa masuuliyad wadareed saaran qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed, aniguna waxaan ahay qofka masuuliyadda koowaad ay ka saaran tahay.”

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, wuxuuna faray goleyaasha dowladda in ay soo dhameystiraan dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka oo wax weyn ka taraya dib-u-habeynta iyo hufnaanta garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu magacabaayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka oo si dhaw ula shaqeynaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare. Guddigan oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegeysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalka.

Munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Guddoomiye K/Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirka Caddaalada Mudane Xasan Xaaji, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac, Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliye K/Xigeenka Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Asluubta.

Latest stories