HomeCaalamka(SAWIRO); Dalxiisayaal ku xaniban Garoonka Diyaaradaha Moi ee magaalladda Mombasa.

(SAWIRO); Dalxiisayaal ku xaniban Garoonka Diyaaradaha Moi ee magaalladda Mombasa.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Diyaarad ay la socdeen 121 Dalxiisayaal u dhashay Jarmalka ayaa barqanimadii maanta degdeg u caga-dhigatay Garoonka Caalamiga  ee  Moi International Airport ee magaalladda Mombasa, wax yar kadib, markii ay ka hinqatay Garoonkaasi. Diyaaraddaasi oo ku sii jeeday Jesiiradda Zanzibaar ee dalka Tanzania ayaa la sheegay inay raxan Shimbiro badan ku soo yaaceen,  iyadoo ay 2-shimbir […]

- Advertisement -

Diyaarad ay la socdeen 121 Dalxiisayaal u dhashay Jarmalka ayaa barqanimadii maanta degdeg u caga-dhigatay Garoonka Caalamiga  ee  Moi International Airport ee magaalladda Mombasa, wax yar kadib, markii ay ka hinqatay Garoonkaasi.

Diyaaraddaasi oo ku sii jeeday Jesiiradda Zanzibaar ee dalka Tanzania ayaa la sheegay inay raxan Shimbiro badan ku soo yaaceen,  iyadoo ay 2-shimbir ku dhex dhinteen mid ka mid ah Matoorka Diyaaradda o oshaqadii gabay.

- Advertisement -

Diyaaradda ayaa la sheegay inay soo degto iyadoo uu hal matoor ka cilladaysnaa.

Shirkadda Diyaaradda ee The Condor ayaa leh Diyaaradaasi oo ay la socdeen Dalxiisayaal u soo tamashle tegay dhulka loo dalxiis tago ee Kenya.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda o oaan fasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo ayaa u sheegay Wargeyska Nation inay Dalxiisayaasha qaadan doonaan Diyaarad kale, si ay berrito ugu dalxiis tagaan Zanzibaar.

- Advertisement -

Maareeyaha Garoonka Moi International Airport, Walter Agong ayaa sheegay inay Diyaarad Transit ahaan kaga timid magaalladda Franfurt ee dalka Jarmalka.

Shilalka Shimbiraha ku carqaladeeyaan Diyaaradaha isticmaala Garoonkaasi ayaa sii kordhayso, iyadoo ay Diyaarado badan si degdeg ah u caga dhigtaan Garoonkaasi.

Bishii October ee sannadkii hore, Diyaarad Turkish Airlines flight ayaa lagu khasbay inay degdeg u caga-dhigato Garoonkaasi, kadib, markii ay shimbir u dustay mid ka mid ah Matooradeeda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories