HomeCaalamkaQareen ugu baaqay Sergio Ramso inuu bixiyo magdhow dhan $1.2 billion iyo...

Qareen ugu baaqay Sergio Ramso inuu bixiyo magdhow dhan $1.2 billion iyo Dacwad loo gudbiyey FIFA.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Qareen Baasim Wahba oo u dhashay dalka Masar ayaa sheegay inuu buuxiyey Dacwad ka dhan ah Kabtanka Kooxda Real Madrid, Sergio Ramos, kaasi oo Laacibka Liberpool, Maxamed Saalax dhaawac ugu geystay Ciyaartii Finalka ee Koobka Horyaalka Europe oo Sabtidii hore ka dhacay caasimadda dalak Ukraine ee Kiev. Qareenka ayaa buuxiyey Fayl Dacwadeed ay ku doonayaan […]

- Advertisement -

Qareen Baasim Wahba oo u dhashay dalka Masar ayaa sheegay inuu buuxiyey Dacwad ka dhan ah Kabtanka Kooxda Real Madrid, Sergio Ramos, kaasi oo Laacibka Liberpool, Maxamed Saalax dhaawac ugu geystay Ciyaartii Finalka ee Koobka Horyaalka Europe oo Sabtidii hore ka dhacay caasimadda dalak Ukraine ee Kiev.

Qareenka ayaa buuxiyey Fayl Dacwadeed ay ku doonayaan in ka badan 1.2 billion oo Dollar oo u dhiganta Hal  Billion oo Euro (€1 billion) sida lagu daabacay Shaabakadda Sport-ga ee Goal.com.

- Advertisement -

Qareen Baasim Wahba waxa uu ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka Sada El-Balad ee dalka Masar inuu buuxiyey Dacwadaasi ku socota Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA.

Waxa uu ku eedeeyey Sergio Ramos ficil maskax ahaan iyo jir ahaanwaxyeelo u geystay Qaran iyo ataantooda ballaaran ee Sport-ga.

- Advertisement -

“Ramos waxa uu si ku-talagal ah u dhaawacay Maxamed Salaax, waana in lagu ciqaabaa ficilkiisa” ayuu yiri Qareenka oo intaasi ku daray inuu buuxiyey Faylka Dacwadda, una gudbiyey Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA.

Waxa uu intaasi ku daray inay Sergei Ramos codsan doonaan Kharaj ka badnaan kara 1 billion oo Euro oo ah dhaawaca Jireed iyo maskaxeed ee uu Ramos u geystay Laacibka Maxamed Salaax iyo Dadka Reer Masar.

Qareenka waxa kale oo uu xusay inay u muuqato  munaasabad aan dhici Karin in lagu guuleysto Magdhowgaasi, wuxuuna ku baaqay in Kaalmo laga geysto arrintaasi.

300,000 oo qof oo saxiixay Codsi ku baaqaya in Sergio Ramos laga qaado tallaabo.

Shabakadda Wararka ee Change.org ayaa daabacday Codsigaasi  looga codsanayo Xiriiradda K/Cagta Yurub ee UEFA iyo FIFA  ee ka dhan Kabtanka Real Madrid, Sergio Ramos oo dhaawacay Laacibka Maxamed Saalax.

Rajadda Masaarida in Laacibkaasi ka qeyb geli doono Ciyaaraha Koobka Adduunka:

Dhakhtarka Xulka Qaranka ee Masar, Maxamed Abu Al-ela waxa u umar hore sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu Laacibkaas ciyaari doono Koobka Adduunka.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee dalka Masar, Khaalid C/casiis ayaa isagana muujiyey Rajadaasi Rabbi idinkiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories