HomeWararDhageyso:-Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey Qorshaha Xasillinta Amniga Caasimadda

Dhageyso:-Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey Qorshaha Xasillinta Amniga Caasimadda

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka hadlayay shir lagu falan-qeynayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sugayo Amiga caasimada. Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee ku aadan amniga Caasimadda ee xiligan ku soconaya dar-darta, […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka hadlayay shir lagu falan-qeynayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sugayo Amiga caasimada.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee ku aadan amniga Caasimadda ee xiligan ku soconaya dar-darta, waxuna tilmaamay in waqtigan ay jirto rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo ammaanka caasimaddu inuu soo hagaago, isla markaana la diyaariyey qorshe sal-ballaaran kana qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamadda oo lagu xasilinayo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.

- Advertisement -

Sidoo kale, Mudane Yarisow ayaa soo bandhigay horumarradii laga sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, daadajinta maamulka, u-diyaar garowga golleyaasha deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba, iyadoo degmooyinka Muqdisho ay ka bilowdeen bixinta adeegyada bulshada oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya isku xirka shacabka iyo maamulka.

“Shirkan oo looga hadlayay xasillinta amniga guud ee dalka, anagu waxaan soo hordhignay qorshaha sugidda amniga Caasimadda iyo xaaladaha guud ee magaalada, gaar ahaan guulihii la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale waxaan soo bandhignay muhiimadda ay leedahay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha iyo wax-u-qabashada dadkii ay sameeyeen roobabkii dhowaan da’ayey”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo intaas raaciyey in aragtida maamulkiisu ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho maqaamkii ay ku lahayd adduunka.

Mudane Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay hadafkooda ku aadan in dib loo howlgeliyo garoonka Stadium Muqdisho, maadaama uu weli deegaan u yahay Ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM, si uu u buuxiyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaadan jiray isdhexgalka iyo isku xirka bulshada.

- Advertisement -

Kulankan oo Shir guddoomineyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku soo bandhigeen maamul Gobolleeyada dalka qorshahooda ku aadan sidii xal-maangal loogu heli lahaa xasilinta deegaanadooda, dalkana looga sifeyn lahaa argagixisada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories