HomeCaalamkaMidowga Afrika oo ka digay faragelinta dowladaha Shisheeye ku hayaan Soomaaliya

Midowga Afrika oo ka digay faragelinta dowladaha Shisheeye ku hayaan Soomaaliya

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Guddoomiyaha Ururka AU-da, Moussa Faki Mahamad ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay Addis Abeba, wuxuuna walaac xooggan ka muujiyey falalka sii kordhaya ee Faragelinta Arrimaha Gudaha ee Somalia. Hadal qoraal oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inuu Moussa Faki Mahamad tilmaamay  inay cabsi-gelintaasi […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Ururka AU-da, Moussa Faki Mahamad ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay Addis Abeba, wuxuuna walaac xooggan ka muujiyey falalka sii kordhaya ee Faragelinta Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inuu Moussa Faki Mahamad tilmaamay  inay cabsi-gelintaasi carqalad ku tahay Dhismaha Nabadda iyo Dowladeed ee haatan ka socota Somalia.

- Advertisement -

“Faragelintaasi waxay kaloo khatar ku tahay  guushii adkayd ee laga gaaray Hawlgalkii wadajirka ee Ciiddanka Qaranka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Waxa uu ku booriyey dhamaan Jilayaasaha faraha kula jira Arrimaha Siyaasadda Somalia inay joojiyaan Fal kasta oo wax u dhimaya Dadaalka Somalia.

Moussa Faki Mahamad waxa uu ku ammaanay DFS dadaalkeeda ku aadanSiyaasadda, ballaarinta Nidaamka Federalka, xalinta colaadaha waxyeeleeyey dalka iyo Horumarinta Dhismaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta iyo meel-marinta Heshiiskii laga gaaray Tubta Siyasaadda.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu ugu baaqay DFS inay sii wadaan dadaalkodoa ku aadan inay dib uga mid noqdaan Hay’addaha Maaliyadda iyo sidii Somalia looga cafin lahaa Daynta lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha AU-da,Moussa Faki Mahamad iyo Ra’isul-wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre waxay Kulankoodii shalay kaga hadleen Horumarka ay DFS ka sameysay Ajendaha Isbedelka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Ammaanka.

Latest stories