HomeCaalamkaSergei Ramos oo farriin u diray Laacibka Maxamed Saalax, kadib dhaawicii ciyaartii...

Sergei Ramos oo farriin u diray Laacibka Maxamed Saalax, kadib dhaawicii ciyaartii xalay.

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee dalka Spain, Sergio Ramos oo isaga u sababa dhaawacii Ciyaaryahanka Kooxda Liverpool ee Maxamed Salaax xalay ka soo gaartay ayaa u rajeeyey Maxamed Saalax inuu si dhaqso leh uga soo bogsado dhaawaca ka soo gaaray Garabka. Falkaasi ayaa lagu tilmaamay inuu Sergei Ramos si caddowtooyo leh u gaarsiiyey Laacibkaas Xiddiga […]

- Advertisement -

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee dalka Spain, Sergio Ramos oo isaga u sababa dhaawacii Ciyaaryahanka Kooxda Liverpool ee Maxamed Salaax xalay ka soo gaartay ayaa u rajeeyey Maxamed Saalax inuu si dhaqso leh uga soo bogsado dhaawaca ka soo gaaray Garabka.

Falkaasi ayaa lagu tilmaamay inuu Sergei Ramos si caddowtooyo leh u gaarsiiyey Laacibkaas Xiddiga Reer Masar oo xalay 30-daqiiqo oo keliya ka ciyaaray Ciyaartii Finalka ee ay Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ugu baratamayeen Kooxka UEFA Champions League.

- Advertisement -

Saalax oo 44 gool xilligan u dhaliyey Kooxda Liverpool ee uu maamulo Juergen Klopp waxay xalay u ahayd Habeen Madow, waxaana la arkayey isagoo la ilmeynaya xanuunka dhaawacaasi.

Ciyaar-yahanka oo 25-jir ah ayaa waxaa shaki la gelinayaa inuu Xulkiisa Masar u safan doono Tartanka Koobka Adduunka ee lagu qaban doono dalka Raashiya.

Dhinaca kale, Sergio Ramos waxa uu ciyaarta kadib ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka inuu u rajeynayo Saalax inuu awoodi doono inuu sida ugu dhaqsaha ah u soo laaban doono.

- Advertisement -

“Mararka qaarkooda K/cagta waxay ku tustaa dhinaca wanaagsan, marmarka qaarna dhinaca xun” ayuu yiri Sergio Ramos.

Waxa uu u rajeeyey Maxamed Salaax inuu isla waqtiga ku soo kabsado iyo inuu Mustaqbalka isaga sugayo.

Dhinaca kale, Taageerayaasha Liverpool iyo kuwa Masaarida waxay Twitter-kooda soo dhigeen Erayo ay ku cambaaraynayaan Sergio Ramos oo isaga u sabab ahaa dhaawacii Maxamed Saalax so ogaaray xalay, xilli ay ciyaartu maraysay 0-0.

Mid ka mid ah Taageerayaasha waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay: “Sergio Ramos ma heli doono Billad ee waxa uu heli doona Abaalmarinta Suunka ee Ciyaarta Legdinta Musaaricadda ee WWE belt.

WQ: Ustaad Nuradin

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories