HomeCaalamka(SAWIRO): Wararkii u dambeeyey ee dhaawacii Laacibka Maxamed Saalax.

(SAWIRO): Wararkii u dambeeyey ee dhaawacii Laacibka Maxamed Saalax.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Shabakadda Wararka ee Kooxda Liverpool FC ee dalka Britain ayaa lagu soo qoray in dhaawaca Ciyaar-yahankooda Maxamed Salaax uu yahay mid aad u culus, kadib, markii uu xalay ku dhaawacmay Ciyaartii Liverpool iyo Real Madrid ku dhex martay Caasimadda dalka Yukrayn ee Kiev. Maareeyaha Kooxda Liverpol, Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyey inuu dhaawaca Maxamed Saalax yahay […]

- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee Kooxda Liverpool FC ee dalka Britain ayaa lagu soo qoray in dhaawaca Ciyaar-yahankooda Maxamed Salaax uu yahay mid aad u culus, kadib, markii uu xalay ku dhaawacmay Ciyaartii Liverpool iyo Real Madrid ku dhex martay Caasimadda dalka Yukrayn ee Kiev.

Maareeyaha Kooxda Liverpol, Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyey inuu dhaawaca Maxamed Saalax yahay mid aad u culus.

- Advertisement -

Ciyaaryahanka waxa uu ka dhaawacmay Garabka Bidix, xilli ay ciyaartaasi socotay muddo 30-daqiiqo ah, kadib, markii ay isku dhaceen Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos.

Sida la arkayey Sergei Ramos waxa uu u muuqday mid ku dhegan Gaacanta Maxamed Salaax, ilaa ay isku garab dhacayeen.

Garsooraha ayaa iska indha-tiray gacan-qabashadaasi oo uu Kabtanka Real Madrid ku muteysan lahaa Kaarka Jaallaha, balse Garoorsaha waa uu il-duufay.

- Advertisement -

Taageerayaasha Liverpool ayaa rumeysan in uu Sergei Ramos si ku-talagal ah u dhaawacay Ciyaar-yahanka Reer Masar ee Maxamed Salaax.

Isku-day lagu doonayey in dhaawaciisa lagu dhex daaweeyo Garoonka ayaa lagu guul-daraystay, waxaana Ciyaar-yahanka loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalladd Kiev, halkaasi oo dhaawaciisa la saaray Raajo (X-Ray).

Maareeyaha Kooxda Liverpol, Jürgen Klopp oo Saxaafadda la hadlay ayaa yiri: “Waa dhaawac culus, runtii waa dhaawac aad u culus”.

Waxa uu intaasi ku daray in Maxamed Salaax la dhigay Isbitaalka, si Raajo loo saaro.

“Waa laga yaabaa inay tahay Kalxanta ama Garabka naftiisa, uma muuqanin mid fiican, waa sidaas” ayuu yiri Maareeyaha Liverpool.

Ciyaar-yahan Maxamed Salaax oo 25-jir ah waxa uu dhaawacisia u muuqdaa mid usuan kaga qeyb geli Karin Ciyaaraha K/Cagta ee Koobka Adduunka oo lagu qaban doono Raashiya.

Tartankaasi ayaa bilaaban doona  wax ka badan 2 isbuuc kadib ama 18-maalmood kadib.

Xulka Masaarida waxay ciyaartoyda Koowaad la ciyaari doonaan Xulka dalka Uruguay oo dhici doonta maalinta 2-aad ee UU Tartankaasi furmo.

Waxaa jira su’aalo malaayiin Dollar ah, waxaana la saadaalin Karin muddada uu Ciyaaryahanku ka soo kaban doono dhaawaca Garabka.

Khubarada Caafimaadka ayaa sheegay inay 12 ilaa 16 isbuuc ku qaadan karto inuu ka soo kabto dhaawacaasi.

Dhinaca kale, Daaficii hore ee Kooxda Liverpool, Jamie Carragher oo garabka ka dhaawacmay cilli-ciyaareedkii 2010-kii ilaa 2011-kii, waxa uu dhawaacaasi kaga soo kabtay muddo 2 bilood ah.

WQ. Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories