HomeCaalamkaNabadsugidda Suudaan oo is-hortaagtay Suxufiyiin, Siyaasi iyo Haweeney ka dhoofi lahaa Khartoum.

Nabadsugidda Suudaan oo is-hortaagtay Suxufiyiin, Siyaasi iyo Haweeney ka dhoofi lahaa Khartoum.

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Qoraal kooban oo ay shalay soo saartay Intisaar Agaly oo u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay inay Nabad-sugidda Suudaan ee NISS  ka hor joogsadeen inay Diyaarad ka raacdo Garoonka magaalladda Khartoum. Waxay kaloo sheegtay inay u dhoofi lahayd dalka Kenya, balse uu Sarkaal ka tirsan NISS ayaa u sheegay in  laga mamnuucay inay u dhoofto […]

- Advertisement -

Qoraal kooban oo ay shalay soo saartay Intisaar Agaly oo u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay inay Nabad-sugidda Suudaan ee NISS  ka hor joogsadeen inay Diyaarad ka raacdo Garoonka magaalladda Khartoum.

- Advertisement -

Waxay kaloo sheegtay inay u dhoofi lahayd dalka Kenya, balse uu Sarkaal ka tirsan NISS ayaa u sheegay in  laga mamnuucay inay u dhoofto Dibedda.

Haweeney u ololeysa Xuquuqda Aadanaha waxay sheegtay inay Hay’adad NISS ka qaadeen Baasaboorkeeda, kana kansal gareeyeen Tikidhkii Diyaaradda ee ay ku dhoofi lahayd.

Intisaar Agaly waxay tilmaamtay inay qaadi doonto Tallaabo kasta oo Sharrci ah oo ka dhan ah Hay’adda NISS, iyadoo sheegtay inay mamnuucista laga hor joogsaday inay dhoofto wax u dhimay Niyadeeda, waa sida ay hadalka u dhigtay.

- Advertisement -

Toddobaadkii la soo dhaafay, Hay’adada Sirdoonka Suudaan waxay ka joojiyeen Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee National Umma Party, Sara Nuqdallah inay u dhoofto dalka Masar, oo ay doonaysay inay Dhakhtarkeeda soo aragto.

Sidoo kale, NISS waxay Talaadadii hore is-hortaagtay 4 Suxufi oo doonaysay inay u dhoofaan dalka Sacuudiga.

Wax faahfaahin ah lagama bixninin sababaha looga mamnuucay inay u dhoofaan dalkaasi.

Xigasho: (ST)

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories