HomeCaalamkaTaliye cusub oo la wareegay Hoggaaminta Hawlgalka Isbahaysiga Ciiddanka Caalamiga ee ku...

Taliye cusub oo la wareegay Hoggaaminta Hawlgalka Isbahaysiga Ciiddanka Caalamiga ee ku sugan Badda Somalia

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Munaasabad lagu qabtay Taliska Taageeridda Ciiddanka Badda ee ku yaalla dalka Baxrayn ayaa waxa Taliye  Steve Moorhouse oo u dhashay dalka Britain loo magacaabay Taliyaah Cusub ee Isbahaysiga Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee ku sugan Badda Somalia. Taliyaha cusub waxa uu xilkaasi kala wareegay Taliye Mal Wise oo u dhashay dalka Australia oo horey madax […]

- Advertisement -

Munaasabad lagu qabtay Taliska Taageeridda Ciiddanka Badda ee ku yaalla dalka Baxrayn ayaa waxa Taliye  Steve Moorhouse oo u dhashay dalka Britain loo magacaabay Taliyaah Cusub ee Isbahaysiga Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee ku sugan Badda Somalia.

Taliyaha cusub waxa uu xilkaasi kala wareegay Taliye Mal Wise oo u dhashay dalka Australia oo horey madax uga ahaa Hawlgalkaasi.

- Advertisement -

Ciiddanka Badda ee dalka Australia oo iyagu madax ka ah Hawlgalakasi, waxay shantii bilood ee ugu dambaysay ku guuleysteen inay Daroogo lagu qiimeeyey 2.2 Billion oo Dollar ku qabtaan Gacanka Cadmeed iyo Galbeedka Badweynta Hindiya.

Sidoo kale, Taliyaha cusub oo darajadiisu tahay Kabtan Ciiddanka Badda, waxa uu Ciiddanka Badda ee Boqortooyadda Britain ku soo biiray sannadkii 1991-kii, wuxuuna xilal ka soo qabtay Maraakiib kala duwan oo ka tirsan kuwa Booqrtooyadda.

Waxa uu Taliye ka ahaa Markabka cusub ee xambaara Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Britain oo lagu magacaabo  HMS Prince of Wales.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hawlgalka Isbahaysiga Ciiddanka Caalamiga ee CTF 150 oo lagu asaasay Gacanka Cumaan bishii May 6-dii ee sannadkii 2004-ti waxaa qeyb ka ah Ciiddamo ka kala socda 25-Waddan, kuwaasi oo loo asaasay inay ilaaleeyaan, baaraan, isla markaana joojiyaan Maraakiibta laga shakiyo, iyadoo la raacayo Dagaalka Caalamiga ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.

Hawlgalka Isbahaysiga Ciiddanka Caalamiga ee CTF 150 waxay kaloo ka hortagaan Burcad-baddeeda iyo Ganacsiga sharci-darradda ee Hubka iyo Daroogada la marsiiyo Baddaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories