HomeCaalamkaSoomaalida iyo Kenyaanka ka dega Garoonka Qaahira oo laga baari doono fayriska...

Soomaalida iyo Kenyaanka ka dega Garoonka Qaahira oo laga baari doono fayriska cuddurka Dabaysha

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee caasimadda dalka Msaar ee Qaahira ayaa sheegay inay Rakaabka ka yimaada Somalia iyo Kenya ka baari doonaan cuddur-sidaha Dabaysha ee “The Polio Virus”. Shabakadda Wararka Youm sbca ee ka soo baxda Qaahira ayaa qortay in Waaxda Dhexe ee Ka-hortagga ee Wasaaradda Caafimaadka Masar ku amartay Madaxda Waaxda Karantiilka ee Garoonka […]

- Advertisement -

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee caasimadda dalka Msaar ee Qaahira ayaa sheegay inay Rakaabka ka yimaada Somalia iyo Kenya ka baari doonaan cuddur-sidaha Dabaysha ee “The Polio Virus”.

Shabakadda Wararka Youm sbca ee ka soo baxda Qaahira ayaa qortay in Waaxda Dhexe ee Ka-hortagga ee Wasaaradda Caafimaadka Masar ku amartay Madaxda Waaxda Karantiilka ee Garoonka Dowliga ee Qaahira inay ballaariyaan Baaritaanka Iskiriinka ee la marinayo Dhoofayaasha ka yimaada Somalia iyo Kenya, si looga hortago Faafista Cuddurka Dbaaysha ee Polio.

- Advertisement -

Ilo-wareed ku dhow qeybta Karantiilka ee Garoonka Qaahira ayaa sheegay inay  Wasaaradda Caafimaadka ka heleen Tusaalooyin la xiriira qaabka loo eegi doono Dhoofayaashaasi, iyadoo faahfaahisay in Cuddurka Dabaysha ama Polio yahay cuddur aad u faafa oo Virus leh, kaasi oo waxyeeleeya Nidaamka Maskaxda, isla markaana  keeni karto inay maskaxda ku naafowdo saacado gudaheeda.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey in Dhoofayaasha lagu soo tallaalo dalalka uu ku fafaayo Cuddurkaasi inay dhibcaha Ka-hortaga Cuddurkaasi qaatan  ka hor 4 isbuuc ilaa 12 bilood ka hor  intaysan ka soo degin Garoonka Caalamiga ee magaalladda Qaahira.

Ilo-wareedyada waxay xaqiijiyeen in la sameeyey Diiwaan Khaas ah ee Ka-hortagga Bolyada oo lagu qorayo  Dhoofayaasha iyo Warbixin Toddobaadle ah oo loo dirayo Rakaabka taga Xarunta Agaasinka Gudd ee Karantiilka iyo Agaasinka Guud ee Kontoroolka cuddurada la is-qaadsiiyo ee dalka Masar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories