HomeWararSawirro:-Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Rag falal amnidarro geysanayay

Sawirro:-Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Rag falal amnidarro geysanayay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ee Degmadda Boondheere oo kaashanaayo Shacabka iyo maamulka Waaxyaha ay ka kooban tahay Boondheere ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mida kuwa caadeystay in habeenkii ay Shacabka ka qaataan waxyaahaba ay sitaan. Laba dhalinyara ah ayeey Ciidamada Amnigu ka qabteen waaxda Daljirka ee degmada Boondheere […]

- Advertisement -

Ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ee Degmadda Boondheere oo kaashanaayo Shacabka iyo maamulka Waaxyaha ay ka kooban tahay Boondheere ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mida kuwa caadeystay in habeenkii ay Shacabka ka qaataan waxyaahaba ay sitaan.

Laba dhalinyara ah ayeey Ciidamada Amnigu ka qabteen waaxda Daljirka ee degmada Boondheere iyagoo Bistoolad Caag ah iyo midi wax ku dhacaayey.

- Advertisement -

Cabdi-Wali C/llahi Maxamuud Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Boondheere ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay labadaan ruux ku soo qabteen howlgal ay sameeyeen iyagoo fulinaya amarka madaxda ka saraysa.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere Saynab Yuusuf Wehliye ayaa ku ammaantay Ciidamadu dadaalka ay sameeyeen, iyadoo sidoo kale shacabka Boondheere ka codsatay inaysan ka daadlin gacan siinta Ciidamada.

Ciidamaada Qalabka sida ayaa waxay ka wadaan guud ahaan Gobolka Banaadir sidii loo kordhin lahaa sugida abniga inta lagu jiro Bishaan Ramadaan.

- Advertisement -

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories