HomeCaalamka(SAWIRO): Britain oo tababaraysa Ciiddamo Kenyan ah oo ku soo wajahan ...

(SAWIRO): Britain oo tababaraysa Ciiddamo Kenyan ah oo ku soo wajahan Somalia.

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Tababarayaal ka socda Ciiddanka Cirka ee Boqortooyadda Britan ee Royal AIR Force (RAF) ayaa la sheegay inay Ciiddanka Kenya u tababarayaan sida looga hortago qaraxyadda Miinooyinka IEDs ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya, Shabakadda Wararka Ciiddamadda ee Forces.net ee dalka Britain ayaa qortay in Ciiddamo […]

- Advertisement -

Tababarayaal ka socda Ciiddanka Cirka ee Boqortooyadda Britan ee Royal AIR Force (RAF) ayaa la sheegay inay Ciiddanka Kenya u tababarayaan sida looga hortago qaraxyadda Miinooyinka IEDs ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya,

Shabakadda Wararka Ciiddamadda ee Forces.net ee dalka Britain ayaa qortay in Ciiddamo British oo ka socda Ciiddanka RAF ee fadhigoodu yahay magaalladda Honington ku sugan yihiin dalka Kenya, si ay u tababaraan Milliteriga dalkaasi ee dhawaan loo soo diri doono gudaha Somalia.

- Advertisement -

Ciiddanka Royal Air Force waxay bilaabeen inay Ciiddanka Kenya u tababaraan Teknoolajiyadda loo adeegsado Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ee IEDs, wuxuuna tababarkaasi ka socdaa Dugsiga Tababarka Ciiddanka Dhulka ee Kenya oo ku yaalla magaalladda Isiyoolo.

Taliska Ciiddanka Kenya ee KDF ayaa la sheegay inay horey uga codsadeen Britain taageero dhinaca Milliteriga, si Ciiddanka Kenya loogu tababaro sidii looga hortegi lahaa cabsida Miinooyinka ee ay kala kulmaan gudaha Somalia.

Ciiddanmka Kenya ee la tababaryo ayaa la sheegay inay koox ahaan u baran doonaan sida loogu shaqeeyo Qalabka lagu baaro Qaraxyadda iyo sida looga hortago marka ay la kulmaan waxa loogu yeeray weeraradda cadowga

- Advertisement -

Dhinaca kale, Duuliye Lieutenant Graeme Royston oo ah Madaxa Kooxda Tababarka siinay Ciiddanka Kenya ayaa sheegay in tirada ugu sarreysa ee Ciiddanka Kenya ee looga dilay Dagalka Alshabaab ay ku geeriyoodeen qraxyadda miinooyinka dhulka lagu aaso, gaar ahaan nooca IEDs, waa sida uu hadalka u yiri.Kooxda Tababarayaasha Ciiddanka Cirka ee Britain waxaa la sheegay inay dalka Kenya sii joogi doonaan ilaa bilowga bisha soo socota ee June.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories