HomeWararDhageyso:-Khilaafka Madaxda Galmudug oo xoogeystay & Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay

Dhageyso:-Khilaafka Madaxda Galmudug oo xoogeystay & Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Kadib markii Maanta uu dib ugu laabtay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey Magalada Cadaado ayuu sheegay in la marin habaabiyey heshiiskaas.

Waxa uu sheegay in dib u heshiisiintii ka dhexeysay Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna sidii loogu talo galay lag booday,isla markaana taasi ay dhalisay kala fikir duwanaansho Madaxda Sare e Galmudug ah.

- Advertisement -

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxda Dowladda iyo kuwa Beesha Caalamka ay isku dayeen in khilaafka jira la xaliyo balse ay ku guul dareesteen,waxa uuna sheegay in sidoo kale laga booday habka awood qeybsigii ku jiray heshiiskaas.

“Ma aqbali doono in qodobadii heshiiskaas laga boodo,Cadaado waa xaruntii Baarlamaanka Galmudug,runtii waxaa ii muuqato in Dastuurkii Galmudug ee lagu heshiiyey laga booday,waxana la doonayaa in Wasiiro aan la iskala tashan la magacaabo balse anaga ma aqbali doono wax aanan talo ku laheyn ayuu yiri Maxamed Xaashi Carabeey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka mid ah Xubnaha dhaliilsan Siiyaasada Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,isla markaana garab taagnaa Maanta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilligii uu sheegayay in la la marin habaabiyey Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

- Advertisement -

Hadalka ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa u muuqda sii xoojiyey khilaafka ka dhaxeeya Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories