HomeWararDhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday shir deg deg ah oo lagu xalinayo...

Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday shir deg deg ah oo lagu xalinayo khilaafka Galmudug

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay khilaafka xilligaan soo kala dhex galay Madaxda ugu sareysa ee Maamulka Galmudug. Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskii lagu gaaray madaxtooyada ee Ahlusunna iyo Galmudug laga qabay rajo wanaagsan balse ay haatan u muuqato mid socon la,isla markaana markale uu […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay khilaafka xilligaan soo kala dhex galay Madaxda ugu sareysa ee Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskii lagu gaaray madaxtooyada ee Ahlusunna iyo Galmudug laga qabay rajo wanaagsan balse ay haatan u muuqato mid socon la,isla markaana markale uu bilaawday khilaaf u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay qaaday tallaabada kaga aadan khilaafkaas,isla markaana ay bilaawday waan waanta labada garab ee is khilaafsan,waxa uuna sheegay in waan waan taas ay labada dhinac ka boodeen isla markaana shalay qaar ay muqdisho ka baxeen halka kuwii kale ay isla Maanta aadeen Cadaado.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in 30 Bishaan May laga doonayo in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo khilaafkaas lagu xalinayo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Latest stories