HomeWararDhageyso:-Ciidamada Dowladda oo abaabul dagaal ka wada G/Shabeellaha Hoose

Dhageyso:-Ciidamada Dowladda oo abaabul dagaal ka wada G/Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa iminka ku jira diyaar garoowgii u dambeeyey ee ku aadan la wareegitaanka deegaanka leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Deegaanka leego ayaa waxaa Gacanta ku haya dagaalyahanada Al;-Shabaab oo la wareegay kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo horay […]

- Advertisement -

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa iminka ku jira diyaar garoowgii u dambeeyey ee ku aadan la wareegitaanka deegaanka leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka leego ayaa waxaa Gacanta ku haya dagaalyahanada Al;-Shabaab oo la wareegay kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo horay ugu sugnaa.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolada Baay & Bakool ayaa waxa ay sheegeen in haatan uu socdo qorshihii u dambeeyey ee howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Abaaduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 60aad Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaanada Koonfur Galbeed ay ka saacidi doonaan Saraakiil Mareykan ah oo ku sugan Magalada Baydhabo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgalkaas ay siwadajir ah u fulin doonaan Cidiamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa  Maamulka Koonfur Soomaaliya sigaar ah qabsashada deegaanka leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Abaaduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 60aad Ismaaciil Khaliif Shire.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories