HomeCaalamkaBeesha Caalamka oo War ka soo saartay dagaalka Tukaraq

Beesha Caalamka oo War ka soo saartay dagaalka Tukaraq

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Beesha caalamka iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladaha dagaal ee ka aloosan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo Gacan ka hadalka. War ay si wada jir ah usoo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War ay si wada jir ah usoo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka, iyagoo ku baaqay inay nabadda ilaaliyaan Labada dhinac.

War murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu faray Labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland inay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, ayna ka wada hadlaan sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada iyo isweydaarsiga maxaabiista la kala qabsaday.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay Dadkii ka bara kacay dagaallada, waxayna ku baaqeen in la sameeyo jawi gargaar lagu gaarsiin karo Dadka ka qaxay iyo kuwa ku dhibaataysan aagga lagu dagaallamayo.

Beesha caalamku iyo saaxiibbada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dhacdadani inay kusoo beegantay xilli ay jiraan xaalado Bini’aaddannimo, gaar ahaan wakhti ay Dhulkaasi ka taagan yihiin dhibaatadii ay geysteen Duufaanno, Roobab iyo Daadad xooggan oo ay waxyeello badani ka dhalatay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts