HomeCaalamka(Faahfaahin): Pakistan iyo Somalia oo kala saxiixday Heshiis lagu horumarinayo Nidaamka Waraaqaha...

(Faahfaahin): Pakistan iyo Somalia oo kala saxiixday Heshiis lagu horumarinayo Nidaamka Waraaqaha Aqoonsiga ee Somalia

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Dowladaha Pakistan iyo Somalia waxay shalay ku kala saxiixdeen Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Shaahid Khaqan Cabaasi Heshiis qiimihiisu dhan yahay 10.5 million oo Dollar oo lagu horumarinayo Nidaamka Waraaqaha Aqoonsiga Somalia (The National ID system) iyo in Taageero Farsamo laga geysto Horumarinta Nidaamka Aqoonsiga Muwaadiniinta Soomaalida. Munaasabadda lagu saxiixay Heshiiskaasi waxaa dhinaca Somalia goobjoog uga ahaa […]

- Advertisement -

Dowladaha Pakistan iyo Somalia waxay shalay ku kala saxiixdeen Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Shaahid Khaqan Cabaasi Heshiis qiimihiisu dhan yahay 10.5 million oo Dollar oo lagu horumarinayo Nidaamka Waraaqaha Aqoonsiga Somalia (The National ID system) iyo in Taageero Farsamo laga geysto Horumarinta Nidaamka Aqoonsiga Muwaadiniinta Soomaalida.

Munaasabadda lagu saxiixay Heshiiskaasi waxaa dhinaca Somalia goobjoog uga ahaa  Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, C/llaahi Faarax Wehliye, Madaxa Mashruuca Kaararka Aqoonsiga. Nuur Diiriye Xersi, Danjiraha Somalia u joogta Pakistan, Khadiija Maxamed Al-makhzuumi iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Pakistan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxda Dowladda Pakistan ee goob-jooga ka ahayd Saxiixa Heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda, Miftaax Ismaaciil, Kaaliyaha Khaaska ee Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Dr. Musadiq Maalik, Xoghayaasha Waaxyaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha ee dalkaasi iyo Guddoomiyaha Shirkadda NADRA iyo Saraakiil kale.

Sidoo kale, Hay’adda Pakistan ugu qaabilsan Xogaha Asaasiga  Qaranka iyo Diiwaan-gelinta ee National Database and Reg-istration Authority  (NADRA) waxay taageero ka geysan doontaa Horumarinta Teknoolajiyadda, Software-ka iyo qalabka u oggolaanaya Dowladda Somalia inay yeeshaan Xogaha Qaranka iyo Nidaamka Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta Somalia.

Teknoolajiyadaasi waxay kaloo Somalia ka taageeri doonaan Nidaamka Maaraynta Xuduudaha iyo Doorashooyinka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories