HomeCaalamkaDowladda Kenya oo Raashiya ka codsatay in Al-Shabaab loo aqoonsado Khatar Caalami...

Dowladda Kenya oo Raashiya ka codsatay in Al-Shabaab loo aqoonsado Khatar Caalami ah

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wakaalladda Wararka dalka Nigeria (News Agency of Nigeria) oo loo soo gaabiyo NAN ayaa sheegtay inay Maamulayaasha Kenya dadaal ugu jiraan sidii ay Dowladda Raashiya ugu qancin lahaayeen inay tageero ka geystaan sidii Xarakadda Alshabaab loogu aqoonsan lahaa inay khatar ku yihiin Caalamka. Dido Rasso oo ah xubin ka tirsan Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan […]

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka dalka Nigeria (News Agency of Nigeria) oo loo soo gaabiyo NAN ayaa sheegtay inay Maamulayaasha Kenya dadaal ugu jiraan sidii ay Dowladda Raashiya ugu qancin lahaayeen inay tageero ka geystaan sidii Xarakadda Alshabaab loogu aqoonsan lahaa inay khatar ku yihiin Caalamka.

Dido Rasso oo ah xubin ka tirsan Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ayaa hadalkaasi sheegay, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan inay Dowladda Raashiya u adeegsan doonto Awoodeeda Diplomaasiyadeed inay taageero ka geystaan sidii Al-shabaabka ka hawl-gala Bariga Afrika loogu aqoonsan lahaa Koox khatar ku ah Caalamka, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku dartay inay Dowladda Kenya eegi doonto sidii ay Dowladda Federalka Raashiya arrinkaasi u hor dhigi lahaayeen Golaha Ammaanka ee QM si arrinta u noqoto mid Caalami ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Arrintaasi ahayn mid heer Gobal, balse ay tahay Arrin Heer Caalami, isla markaana ay doonayaan in ay Cod heer sare ah ku gaarsiiyaan Golaha Ammaanka ee QM.

Dhinaca kale, Dido Rasso oo ah xubin ka tirsan Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo Arrimaha Dibedda waxa u uDowladda Raashiya ka codsaday inay Kenya ugu deeqaan Teknoolajiyad taageero ka geysan karta Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

“Xaqiiqdii, Raashiya wey arki karaan inaan u baahanahay taageero dhinaca Diyaaradaha Drones-ka oo leh  Teknoolajiyadda awoodi karta in la helo Dhufeysyadda gabbaadka u ah Alshabaab iyo Hubkooda iyo in lala socdo marka ay weerarka ku soo qaadayaan Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories