HomeCaalamkaMuwaadin Somali Canadian laga sii daayey Ethiopia oo ku baaqay Baaritaanka Xarigiisa...

Muwaadin Somali Canadian laga sii daayey Ethiopia oo ku baaqay Baaritaanka Xarigiisa sharci-darradda.

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Bashiir Makhtal Daahir oo  in ka badan 11-sanno ku xirnaa Xabsi ku yaalla Ethiopia waxa uu hadalkaasi shalay ka hor sheegay Barlamaanka Kanada, isagoo faahfaahin ka bixiyey xaalladihii adkaa ee uu kala kulmay Xabsiga. Waxa uu tilmaamay inuu rumeysnaa inuu ku dhex geeriyoon doono Xabsiga Dhexe ee Addis Abeba. Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka […]

- Advertisement -

Bashiir Makhtal Daahir oo  in ka badan 11-sanno ku xirnaa Xabsi ku yaalla Ethiopia waxa uu hadalkaasi shalay ka hor sheegay Barlamaanka Kanada, isagoo faahfaahin ka bixiyey xaalladihii adkaa ee uu kala kulmay Xabsiga.

Waxa uu tilmaamay inuu rumeysnaa inuu ku dhex geeriyoon doono Xabsiga Dhexe ee Addis Abeba.

- Advertisement -

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka Kanada inay baaritaan ku sameeyeen Kiiskiisa, wuxuuna sheegay inuu si xaq-darro ah ugu xirnaa Ethiopia in ka baadan 11-sanno.

Muwaadinkaasi oo  Xabsiga Ethiopia laga sii daayey bishii hore ee April waxa u uku eedeeyey qeybta Adeegga Qunsulliyadda Kanada inay ka gaabiyeen sidii ay isaga Aadmi ahaan ugu kaalmeyn lahaayeen, ugana qeyb geli lahaayeen Sii-dayntiisa.

Bashiir Makhtal Daahir oo 49-jir ah waxa uu Barlamaanka Kanada ka hor sheegay inuusan Dowladda Kanada ka helin taageero xilligii uu u baahnaa, wuxuuna ku calaacalay inuu rajeynayey inuu ku dhinto Xabsiga Ethiopia.

- Advertisement -

Bashiir Makhtal oo ku dhashay dalka Ethiopia, isagoo 7 jir ahna yimid Somalia waxa lagu qabtay Kenya sannadkii 2006-dii, waxaana loo gudbiyey Ethiopia, iyadoo sannadkii 2009-kii lagu soo oogay inuu xubin ka yahay Jabhadda Xoreynta ee ONLF.

Sidoo kale, Bashiir Makhtal oo shalay la hadlay Suxufiyiinta waxa uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu la midoobo Qoyskiisa iyo inay mar kale dib u bilaabaan Noloshooda.

Xaaskiisa  oo lagu magacaabo Casiisa Cabdi waxay iyadana sheegtay inay ku faraxsan tahay inay mar kale dib u bilaabeen Nolosha Qoyskooda, iyadoo Xariga Saygeeda ku tilmaamtay inay ku waayeen qeyb ka mid ah Noloshooda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories