HomeCaalamkaKenyaan lagu eedeynayo inuu taageero Alshabaab oo la soo taagay Maxkamad ku...

Kenyaan lagu eedeynayo inuu taageero Alshabaab oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Nairobi.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Nin Kenyaan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Xarakadda  Alshabaab ayaa lagu soo oogay inuu qorsheynayey Weerar lagu qaado Maxkamadda MILAMAANI iyo Dhismayaal Dowladeed oo ku yaalla magaalladda Nairobi, waaa sida hadalka loo dhigay. Dacwad-oogayaasha Maxkamadda waxay ku eedeeyeen  Francis Macharia Karishu inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Kenya bishii Feberaayo 15-dii […]

- Advertisement -

Nin Kenyaan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Xarakadda  Alshabaab ayaa lagu soo oogay inuu qorsheynayey Weerar lagu qaado Maxkamadda MILAMAANI iyo Dhismayaal Dowladeed oo ku yaalla magaalladda Nairobi, waaa sida hadalka loo dhigay.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda waxay ku eedeeyeen  Francis Macharia Karishu inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Kenya bishii Feberaayo 15-dii ee sannadkan, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Francis Macharia Karishu waxa uu beeniyey dacwadihii lagu soo oogay oo kala ahaa inuu xubin ka yahay Alshabaab, inuu weerar qorsheynayey iyo inuu  Waraaqaha Aqoonsiga ee dalkaasi u sameeyey Dagaalyahan Alshabaab oo magaciisa lagu sheegay JIMA HUKA GALGALO oo mar hore la dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Eedeysanaha waxaa bishan May 20-dii laga soo qabtay Deegaanka KAYOLE ee magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Boliska Kenya sheegeen inay madaxiisa dul dhigeen lacag dhan Hal million oo Shillinka Kenya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories