HomeWararAl-Shabaab oo xiray Salax Kubadda Cagta lagu Ciyaaro oo ku yaalla Muqdisho

Al-Shabaab oo xiray Salax Kubadda Cagta lagu Ciyaaro oo ku yaalla Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gebi ahaanba xireyn Salax ku yaalla Magalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Shiirkoole kaas oo dhalinyarada ay kubadda Cagta ku ciyaari jireen. Salaxaan ayaa ka mid ah kuwa ay dhalinyarada xaafada Shiirkole si aad ah ugu ciyaaraan,iyada oo xilliyada Bisha Ramadaan lagu qabto tartamo Kubadda Cagta ah,waxaana dhalinyaradii gacanta ku […]

- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gebi ahaanba xireyn Salax ku yaalla Magalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Shiirkoole kaas oo dhalinyarada ay kubadda Cagta ku ciyaari jireen.

Salaxaan ayaa ka mid ah kuwa ay dhalinyarada xaafada Shiirkole si aad ah ugu ciyaaraan,iyada oo xilliyada Bisha Ramadaan lagu qabto tartamo Kubadda Cagta ah,waxaana dhalinyaradii gacanta ku haysay Salaxaas loo sheegay inay joojiyaan ku ciyaarista Garoonkaas.

- Advertisement -

Mid ka mid ah masuuliyiinta Salaxaas ayaa sheegay in Al-Shabaab ay taleefoonkiisa ugu soo direyn fariin loogu sheegay in gebi ahaanba la joojiyo Ciyaarta Kubadda Cagta ee Garoonka Salaxa xaafada shiirkole.

Dhowr bil kahor ayaa sidaan oo kale waxaa soo baxay warar sheegayay in Al-Shabaab ay amreen in la joojiyo ku ciyaarista Garoomada Salaxa ee Kubadda Cagta degmooyin ku yaalla Gobolka Banaadir wallow Wasaaradda Amniga iyo Maamulka G/Banaadir ay beeniyeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories