HomeCaalamkaJihaadiste ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu xukumay Xukun Daldalaad ah.

Jihaadiste ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu xukumay Xukun Daldalaad ah.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq waxay maanta xukun daldalaad ah ku riday  Taariq Jaduun “Abu Xamsa Al-beljiki oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Morooko, balse haysta dhalashadda dalka Beljimka. Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa dhinaca Borobogaandada, wuxuuna marar badan ka soo muuqday Muuqaalladda Daacish, isagoo hanjabaad u jeedinaya dadka Reer […]

- Advertisement -

Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq waxay maanta xukun daldalaad ah ku riday  Taariq Jaduun “Abu Xamsa Al-beljiki oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Morooko, balse haysta dhalashadda dalka Beljimka.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa dhinaca Borobogaandada, wuxuuna marar badan ka soo muuqday Muuqaalladda Daacish, isagoo hanjabaad u jeedinaya dadka Reer Galbeedka.

- Advertisement -

Waxa uu beeniyey Dacwadda lagu soo oogay, wuxuuna sheegay inuu ahaa Kalkaaliye Caafimaad, laguna khasbay inuu Muuqaalladda uga hanjabo dadka Reer Galbeedka, gaar ahaan kuwa Beljinka.

Dhegeysiga dacwadiisa oo socotay wax ka yar 10 daqiiqo, waxa uu Garsooraha Maxkamadda ku xukumay inom Eedeysanaha la daldalo ilaa uu ka dhimanayo.

Eedeysanaha waxa uu haystaa 30 maalmood oo uu Rafcaan kaga qaadan karo Xukunkaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Tan iyo bilowgii sannadkan, waxay Maxkamadaha dalka Ciraaq Iraq xukun dil ah ku rideen in ka badan 300 xubnood oo ka tirsan Kooxda Daacish, iyadoo 100 kalena lagu xukumay Xabsi Daa’im, kuwaasi oo badankooda Ajaaniib ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories