HomeCaalamkaMaraykanka oo Hangar Diyaaradeed u dhisayo Helikoptaro loogu tala galay Hawlgalka AMISOM

Maraykanka oo Hangar Diyaaradeed u dhisayo Helikoptaro loogu tala galay Hawlgalka AMISOM

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Ciiddanka dalka Maraykanka ayaa qorsheynayo inay Hangar Diyaaradeed ka dhisan Degmadda SOROTI ee dalka Uganda, oo Hoy u noqonaya  Helikoptaro ay Maraykanka siiyeen Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM 5 Diyaaradaha Helikoptarka ee noocoodu yahay 1H Huey Helicopters ayey Dowladda Maraykanka siisay Uganda sannadkii hore, si loogu adeegsado Hawlgalka ay Ciiddanka AMISOM kula […]

- Advertisement -

Ciiddanka dalka Maraykanka ayaa qorsheynayo inay Hangar Diyaaradeed ka dhisan Degmadda SOROTI ee dalka Uganda, oo Hoy u noqonaya  Helikoptaro ay Maraykanka siiyeen Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM

5 Diyaaradaha Helikoptarka ee noocoodu yahay 1H Huey Helicopters ayey Dowladda Maraykanka siisay Uganda sannadkii hore, si loogu adeegsado Hawlgalka ay Ciiddanka AMISOM kula dagaalamayeen Xarakadda Alshabaab tan iyo sannadkii 2007-dii.

- Advertisement -

Afhayeenka Hawlgalka Maraykanka u jooga magaalladda Kampala, Phil Dimon ayaa u sheegay Wargeyska Malainlaha ee The Monitor in Hangarkaasi laga dhisayo Degmadda SOROTI in loogu talagalay in Hoy looga dhigo Helikopteradaasi ay Dowladda Maraykanka ku deeqday sannadkii hore.

Diyaaradahaasi oo lagu qiimeeyey  80 million oo Dollar waxaa si toos ah loogu taageeray Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF iyo Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Dowladda Uganda waxay u xusul-duubaysaa sidi iay QM uga heli lahaayeen Kharajka 3 Helikopter oo ku soo jeeday Somalia, kuwaasi oo Buuraha Kenya ka burburay sannadkii 2012-kii

- Advertisement -

QM ayaa weli bixinin Kharajka Diyaaradahaasi oo  lagu qiimeeyey lacag dhan 10-million oo Dollar.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay tiradooda gaarayaan 6,000 oo Askari, waana dalka ugu ciiddanka badan dalalka kale ee qeybta ka ah AMISOM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories