HomeWararFaah faahino kasoo baxaya dilal qorsheysan oo ka dhacay Magalada Muqdisho

Faah faahino kasoo baxaya dilal qorsheysan oo ka dhacay Magalada Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa geeriyooday kadib markii qaraxa loogu xiray gaarigiisa xilli uu ku sugnaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,sida ay Dalsan u xaqiijieyen dadka ku nool Xaafada Tarabuush uu […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa geeriyooday kadib markii qaraxa loogu xiray gaarigiisa xilli uu ku sugnaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,sida ay Dalsan u xaqiijieyen dadka ku nool Xaafada Tarabuush uu falkaan ka dhacay.

- Advertisement -

Sarkaalka qaraxa lagu dilay ayaa waxaa dadka deegaanka Magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Caddow,waxa uuna ka mid ahaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Sidoo kale Koxo hubeysan ayaa xalay degmada Waaberi waxa ay ku dileyn nin la sheegay in uu sarifle ahaa,waxaana la sheegay in xilliga la dilayey uu kusii jeeday Hoygiisa oo ku yaalla isla degmada Waaberi.

Isla xalay ayaa Kooxo hubeysan waxa ay degmada Yaaqshiid ku dileyn mid ka mid ah maamulayaasha Shirkada dhismaha Kulmiye.

- Advertisement -

Sikastaba hay’adaha amniga wax war ah kamasoo saarin dilalka ka dhacay Magaalada muqdisho,iyada lagu guda jiro bisha ramadaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories