HomeCaalamkaNin Kenyan la sheegay inuu Al-Shabaab u fududeyn jiray Aqoonsiga dalkaas oo...

Nin Kenyan la sheegay inuu Al-Shabaab u fududeyn jiray Aqoonsiga dalkaas oo la baadi goobayo

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Hal million oo Shillinka Kenya la dul-dhigay madaxa Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Francis Macharia Karishu. Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa Nairobi ayaa maanta qoray inay Boliska sheegeen inay Ninkaasi u baadi-goobayaan, kadib, markii uu Dagaalamayaasha Alshabaab ka taageeray sidii ay ku heli […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Hal million oo Shillinka Kenya la dul-dhigay madaxa Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Francis Macharia Karishu.

Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa Nairobi ayaa maanta qoray inay Boliska sheegeen inay Ninkaasi u baadi-goobayaan, kadib, markii uu Dagaalamayaasha Alshabaab ka taageeray sidii ay ku heli lahaayeen Waraaqaha Aqoonsiga Kenya, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Ciiddanka Kenya waxay kaloo sheegeen inay bilaabeen baadi-goobka Ninkaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu si sharci-darro ah ugu fudueeyeyey Alshabaab inay helaan Dukumentiyadda Aqoonsiga.

Boliska waxay xuseen inuu Macharia Karishu been abuuray 4 Aqoonsiga Kenya oo ay isticmaaleen 2 xubnood oo ay Bolisku ku qabteen Degmadda MERITI bishii Feberaayo ee sannadkii 2018-kii, waa sida hadalka loo dhigay.

Labadaasi nin oo magacyadooda lagu kala sheegay C/majiid Xsaan Aadan iyo Maxamed Naane ayaa la sheegay in la qabtay iyagoo la socday gaari ay waxyaabaha qarxa saarnaayeen, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ninka Kenyanka ee la baadi-goobayo ee Francis Macharia Karishu.ayaa la sheegay inuu Xafiis Daabacaad  oo lagu magacaabo PASTE PRINTER  oo uu ku lahaa magaalladda Nairobi, inkasto ola sheegay inuu iska xiray Xafiiskaasi oo uu haatan dhuumaalaysi ju jir, waa aida hadalka loo dhigay..

Xigasho: Standardmedia

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories