HomeCaalamkaAMISOM oo shuruud ku xirtay Qorshaha Ciiddanka Somalia loogu wareejinayo Ammaanka dalka

AMISOM oo shuruud ku xirtay Qorshaha Ciiddanka Somalia loogu wareejinayo Ammaanka dalka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Sii-hayaha xilka Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Charles Tai Gituai  oo u dhashay dalka Kenya ayaa sheegay inay socdaan Qorshe Xilliga Kala-guurka ee Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan dalka Somalia marka la gaarso sannadka 2020-ka. Jenaralka oo ay hoos yimaadaan Taliska Ciiddanka Isku-dhafka ee AMISOM ayaa sheegay inuu Qorshahaasi yahay mid ay shuruudo ku […]

- Advertisement -

Sii-hayaha xilka Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Charles Tai Gituai  oo u dhashay dalka Kenya ayaa sheegay inay socdaan Qorshe Xilliga Kala-guurka ee Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan dalka Somalia marka la gaarso sannadka 2020-ka.

Jenaralka oo ay hoos yimaadaan Taliska Ciiddanka Isku-dhafka ee AMISOM ayaa sheegay inuu Qorshahaasi yahay mid ay shuruudo ku xiran tahay Taabagelintiisa, isagoo xusay inay Ciiddanka AMISOM diyaar u yihiin inay dhigooda Somalai ku wareejiyaan Sugidda Ammaanka Guud ee dalka.

- Advertisement -

“Qorshaha Xilliga Kala-guurka waa mid shuruudeysan, waxaan siin doonaan Saldhigyada hore ee aan ka hawl-galno oo shuruud leh, waa inay leeyihiin Kheyraadka iyo Awoodda iyaga u gaarka ah” ayuu yiri Jeneral Charles Tai Gituai

Waxa kale oo uu sheegay inay Boliska haystaan Xabsiyo, Nidaam Garsoore oo shaqeynaya, Dugsiyo iyo Xarumo Caafimaad.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in Ciiddanka AMISOM  marka la gaaro Xilligaas in laga yaabo inay ku baxaan si shuruudo leh.

- Advertisement -

Sii-hayaha xilka Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Charles Tai Gituai  waxa uu tilmaamay inay Urruka Midowga Europe bixiyeen 100 million oo EURO, si loo xaqiijiyo riyada Qorshaha Xilliga Kala-guurka.

Waxa u utilmaamay in Maalgelintaas la doonayo in la kharaj gareeyo ilaa laga gaarayo sannadka 2020-ka, markaasi oo la rajeynayo inay Somalia ka dhacdo Doorasho Guud.

Dhinaca kale, Jeneraaladda u dhashay Kenya ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin inay Ciiddanka Somalia uu ka dhex dhasho Loolan, marka ay Ciiddanka AMISOM ka baxaan Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay intaasi ku dareen inay Ciiddanka Soomaalida haatan yihiin kuwo  Goballadda laga soo ururiyey, isla markaana uu mid kasta Tababar Milliteri ka siiyeen Ciiddamo shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka AMISOM ee ka kala socda dalalka Jabuuti, Uganda, Kenya, Burundi iyo Ethiopia ayaa la qorsheynayaa inay ka wada baxaan Somalia marka la gaaro sannadka 2020-ka.

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories