HomeCaalamkaXildhibaan sheegay inay Imaaraadka ka diideen qorshe ay ku maamuli lahaayeen Ciiddanka...

Xildhibaan sheegay inay Imaaraadka ka diideen qorshe ay ku maamuli lahaayeen Ciiddanka iyo Xeryahooda.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Dr. Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee booqashada ku tegay dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska ASHARAQ ee ka soo baxa magaalladda Dooxa ayaa sheegay inay Dowladda Imaaraadka Carabta ku xad-gudubtay Hawlihii DFS, isla markaana ay Heshiisyo la galeen dhinacyo kale. Xidlhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud […]

- Advertisement -

Dr. Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee booqashada ku tegay dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska ASHARAQ ee ka soo baxa magaalladda Dooxa ayaa sheegay inay Dowladda Imaaraadka Carabta ku xad-gudubtay Hawlihii DFS, isla markaana ay Heshiisyo la galeen dhinacyo kale.

Xidlhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo mar Wasiirkii Warfaafinta ka ahaa Dowladdii KMG ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, waxa uu tilmamaay inay Dowladda Imaaraadka ka hor-joogsadeen qorshe ay ku doonayeen inay iyaga ku maaamulaan Ciiddamadda Somalia iyo Xeryahooda.

- Advertisement -

Khilaafka Siyaasadeed ee DFS iyo Imaaraadka Carabta soo kala dhex galay ayaa qeyb ka ah Khilaafka Dowladaha Khaliijka, iyadoo ay Dowladda Imaaraadka Galaangal aysan DFS ku qancin ka wadeen gudaha Somalia, isla markaana ay Maamulka Somaliland la saxiixdeen Heshiis ay Saldhig Milliteri kaga dhisanayaan magaalladda Berbera ee W/galbeed ee Somalia.

Dhinaca kale, Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi waxa uu ka hadlay Xiriirka DFS iyo Dowladda Qatar, wuxuuna xusay inuu yahay mid aad u xooggan.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Xiriirka labada Waddan yahay mid Taariikhi ah, isla markaana uusan jirin Khilaaf caqabad ku ah Xiriirkaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Qatar ayaa kordhisay Taageeradda Maaliyadeed iyo Samafalka ee ay ugu deeaaan DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories