HomeWararDhageyso:-Ciidamada xasilinta oo Caawa heegan la geliyey  xilli la galay Bisha Ramadaan

Dhageyso:-Ciidamada xasilinta oo Caawa heegan la geliyey  xilli la galay Bisha Ramadaan

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Taliyaasha Xooga,Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Galinkii dambe ee Arbacadii Maanta waxa ay ka shireyn Amaanka Caasimada Muqdisho,iyo sidii laamaha amaanka iyo Maamulada Gobolka iyo Degmooyinka u wada shaqeyn lahaayeen. Intii uu kulanka socday ayaa Taliyaha Xooga Dalka Jeneral C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in ay heegan galiyeen Ciidanka Xasilinta ee loo diyaariyay Sugida […]

- Advertisement -

Taliyaasha Xooga,Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Galinkii dambe ee Arbacadii Maanta waxa ay ka shireyn Amaanka Caasimada Muqdisho,iyo sidii laamaha amaanka iyo Maamulada Gobolka iyo Degmooyinka u wada shaqeyn lahaayeen.

Intii uu kulanka socday ayaa Taliyaha Xooga Dalka Jeneral C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in ay heegan galiyeen Ciidanka Xasilinta ee loo diyaariyay Sugida Amaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliye Gorod in Mas’uuliyada Amniga ay saaran tahay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Amniga iyaguna ay kala shaqeyn doonaan.

Taliyaha ayaa soo hadal qaaday qorshooda la xiriira ka hortaga isbarbaryaaca Ciidamada,waxaana uu sheegay in Ciidanka loo diyaariyay Sugida amniga oo kaliya ay magaalada ka shaqeyn doonaan.

Dhawaan ayey aheed markii Xarunta Xisbiga lagu soo bandhigay Sedex guuto oo la sheegay in loo diyaariyay sugida ammaanka Muqdisho,gaar ahaan bishan barakeysan ee Ramadaan.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyha Ciidanka xoogga dalka Gen,Gorod.

Z0000060

Latest stories