HomeCaalamkaMadaxweynaha Maamulka Falastiin oo lagu sameeyey Qaliin Fudud.

Madaxweynaha Maamulka Falastiin oo lagu sameeyey Qaliin Fudud.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

  iiiiiWakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA  ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu Maasim la dhigay Isbitaal ku yaalla Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Madaxweynaha ayaa la rajeynayaa in qaliin fudud looga sameeyo mid ka mid ah dhegihiisa, wuxuuna qaliinkaasi qaadan doonaa dhowr saacadood. Madaxweyne Abu Maasim oo 82-jir ah waxa uu qalinkiisa ku soo […]

- Advertisement -

 

iiiiiWakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA  ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu Maasim la dhigay Isbitaal ku yaalla Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa la rajeynayaa in qaliin fudud looga sameeyo mid ka mid ah dhegihiisa, wuxuuna qaliinkaasi qaadan doonaa dhowr saacadood.

Madaxweyne Abu Maasim oo 82-jir ah waxa uu qalinkiisa ku soo beegmay iyadoo ay Xiisad ka dhex aloosan tahay Falastiin iyo Yuhuudda, kadib, markii ay Askarta Yuhuudda shalay toogasho ku dileen 58 Falastiiniyiin ah, kuna dhaawaceen Kumanaan kale.

Dadkaasi waxay ka qeyb galayeen Dibadbaxyo looga soo horjeeday Safaaradda Maraykanka ee shalay laga furay magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

- Advertisement -

Dhinaca kale, ma aha markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Maamulka Falastiin la dhigo Isbitaal, iyadoo bishii Feberaayo ee sannadkan uu baaritaan caafimaad ka maray Isbitaal ku yaalla Mraaykanka, xilli uu Khudbad ka jeedin lahaa Shirweynihii Golaha Guud ee QM o olagu qabtay magaalladda New York.

Bishii October ee sannadkii 2015-kii waxaa la dhigay Isbitaal  ku yaalla Daanta Galbeed, iyadoo baaritan dhinaca Wadnaha lagu sameeyey.

Maxamuud Cabaas waxa uu Madaxweyne ka noqday Falastiin sannadkii 2004-tii, kadib, geeridii Hoggaamiyihii Reer Falastiin, Yaasir Carafaad.

Waxa kale oo uu haatan yahay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ururka Xorreynta Falastiin ee PLO, iyadoo xilkaasi mar kale loo doortay bishan May 4-da.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories