HomeCaalamkaGanacsatada Koonfur Afrika oo lagu eedeeyey inay u hanjabaan Ganacsatada Soomaalida iyo...

Ganacsatada Koonfur Afrika oo lagu eedeeyey inay u hanjabaan Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa kale.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ururada Ganacsaatada Waqooyiga ee dalka Koonfur Afrika The Northern Businesses Associations  (NORBA) waxay bishan May 3-dii soo saareen qoraal ay Ganacsatada shisheeyaha, gaar ahaan kuwa Soomalaida inay goobahooda ganacsiga albaabadda u laabaan ugu dambeyn bishan May 17-da oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socotaa. Digniintaasi oo ay Warbaahinta dalkaasi dabaceen ayaa waaxa uu dareen ku […]

- Advertisement -

Ururada Ganacsaatada Waqooyiga ee dalka Koonfur Afrika The Northern Businesses Associations  (NORBA) waxay bishan May 3-dii soo saareen qoraal ay Ganacsatada shisheeyaha, gaar ahaan kuwa Soomalaida inay goobahooda ganacsiga albaabadda u laabaan ugu dambeyn bishan May 17-da oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socotaa.

Digniintaasi oo ay Warbaahinta dalkaasi dabaceen ayaa waaxa uu dareen ku abuuray Qaxootiga iyo Ganacsatadda Shisheeyaha ee goobaha Ganacsiga ku leh Goballadda Waqooyi ee dalkaasi.

- Advertisement -

Golaha Jaalliyadda Soomaalida ee Gobalka KuwaZulu Natal (The KwaZulu-Natal Somali Community Council oo loo soo gaabiyo (KZNSCC) waxay qeylo-dhaan ka keeneen Digniintaasi, waxayna ugu baaqeen Boliska iyo Hoggaamiyayaasha Deegaaanka inay soo farageliyaan arrintaasi, si aysan mar kale u dhicin Colaad ku salaysan Isir-nacaybka lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ee ku nool dalkaasi.

Xoghayaha Ururka Ganacsatadda NORBA oo lagu magacaabo Mlungisi Mncube ayaa sheegay inay Ganacsatada shisheeyaha Dhismooyin Ganacsi oo waa weyn dhistaan, kuwaasi oo beec-xir ku sameeya goobaha Ganacsiga ee Dadka Deegaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Odayaasha Deegaanka iyo Boliska ayaa sheegay inay  berrito Kulan kale u qaban doonaan Ganacsatadda Reer Koonfur Afrikaanka ee ka tirsan Ururka (NORBA) si loo xaliyo Khilaafka ka dhex taagan Gnaacsatadda Deegaanka iyo kuwa shisheeyaha.

- Advertisement -

Kulankaasi waxaa ka qeyb geli doona Madax ka tirsan kuwa Deegaanka, Milkiilayaasha heerka leh ee leh Dhismooyinka waa weyn ee Ganacsiga iyo Wakiilo ka kala socda Ganacsatada shisheeyaha oo ay ka mid yihiin Soomaalida iyo Ethiopianka iyo Wakiilo ka socda Ganacsatada Deegaanka.

Kulankaasi ayaa rajo laga qabaa in xal loo heli doono xiisadda ka taagan taagan Deegaanadda ku teedsan Gobalka Northern Durban.

Sannadkii 2915-kii, Muwaadiniinta shisheeyaha ee ku ganacsata Gobalkaasi waxay la kulmeen Dagaal iyo boob, waxayna qalalaasahaasi ku faafeen  Mujtamacyo kale oo ku nool Degmooyinka ay ka midka yihiin Inanda, KwaMashu iyo Ntuzuma.

Sidoo kale, sannadkii 2008-dii, dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay falal Isir-nacayb ah, waxaana dil iyo boob loo geystay Ganacsato Afrikaan oo ay ku jireen Ganacsato Soomaali ah.

Si kastaba ha ahaatee,  139 Gnaacsato Soomaali ah ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Koonfur Afrika sannadkii hore ee 2017-ka.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories