HomeCaalamkaUganda oo QM ka sugaysa magdhowga Diyaaradihii Helikopterka ee burburay. Iyagoo ku...

Uganda oo QM ka sugaysa magdhowga Diyaaradihii Helikopterka ee burburay. Iyagoo ku soo fool lahaa Somalia

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Uganda waxay ka war dhowraysaa QM  magdhowga 3-dii Helikopter ee Ciiddanka Uganda uga burburay Buuraha MOUNT Kenya bishii August 12-dii ee sannadkii 2012-kii. Diyaaradahaasi oo ku soo jeeday dalka Somalia waxaa ku geeriyooday  7-Askari, halka ay 21 kalena ka badbaadeen. Dowladda Uganda waxay horey u sheegtay inay 3-daasi Helikopter oo noocoodu ahaa Mi 24 […]

- Advertisement -

Dowladda Uganda waxay ka war dhowraysaa QM  magdhowga 3-dii Helikopter ee Ciiddanka Uganda uga burburay Buuraha MOUNT Kenya bishii August 12-dii ee sannadkii 2012-kii.

Diyaaradahaasi oo ku soo jeeday dalka Somalia waxaa ku geeriyooday  7-Askari, halka ay 21 kalena ka badbaadeen.

- Advertisement -

Dowladda Uganda waxay horey u sheegtay inay 3-daasi Helikopter oo noocoodu ahaa Mi 24 ugu fadhiyaan Kharaj dhan 10-million oo Dollar, isla markaana ay QM ka sugayaan Magdhowga Diyaaradahaasi.

Tan iyo xilligaasi, QM waxay sheegtay inaysan Uganda siin Karin Kharajka 10-ka million ee Dollar ee magdhowga u ah  3-DA Helikopter ee ka burburay, balse, Ciiddanka Uganda waxay weli rajeynayaan sida ugu wanaagsan.

Ciiddanku waxay sheegeen inay Maraykanka ka codsadeen 5 Helikopter oo qiimo leh, balse ay baahi xooggan u qabaan Helikoptarada lagu dgaaal-galo.

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Uganda,  Richard Karemire waxa uu sheegay inay weli QM ku cadaadinayaan sidii ay u bedeli lahaayeen Diyaaradihii burburay, wuxuuna rajo ka muujiyey inay QM bixin doonto Kharajkaasi.

Dhinaca kale, Baahida Diyaaradahaasi ee Hawlgalka AMISOM ayaa timid bishii November ee sannadkii 2011-kii, kadib, markii ay Ciiddanka AMISOM qaadeen Hawlgal loogu magac-daray “Xorreynta Shabelle” oo ay markii ugu horreysay kaga baxeen magaalladda Muqdisho.

Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni waxa uu saluug ka muujiyey Warbixintii laga siiyey Burburka Diyaaradahaasi, wuxuuna xilligaasi Xilka ka qaaday Taliyihii Ciiddanka Cirka Uganda, Sarreeye Gaas Jim Owoyesigire,oo isagu haatan ah Taliyaha Guud ee dhamaan 20-kun ee  Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo ka kala socda dalalka Uganda, Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo Burundi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories