HomeCaalamkaMaraykanka oo baaraya Kiiska Isku-dayga ee dad Soomaali ah looga...

Maraykanka oo baaraya Kiiska Isku-dayga ee dad Soomaali ah looga soo masaafurin lahaa dalkaas

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha Maraykanka ee ICE ayaa sheegtay inay Saraakiisha Federalka bilaabeen Baaritaanka Dembiyo la xiriira isku-day lagu doonayey in 92 Soomaali looga soo masaafuriyo dalkaasi bishii December ee sannadkii hore. Dhibanayaasha Soomalaida waxaa haatan lagu hayaa Xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla Koonfurta Gobalka Florida, iyadoo Maxkamad Federal ah doonayso in daaqada […]

- Advertisement -

Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha Maraykanka ee ICE ayaa sheegtay inay Saraakiisha Federalka bilaabeen Baaritaanka Dembiyo la xiriira isku-day lagu doonayey in 92 Soomaali looga soo masaafuriyo dalkaasi bishii December ee sannadkii hore.

Dhibanayaasha Soomalaida waxaa haatan lagu hayaa Xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla Koonfurta Gobalka Florida, iyadoo Maxkamad Federal ah doonayso in daaqada laga tuuro qorshihii lagu masaafurin lahaa dadkaasi.

- Advertisement -

Bishii December ee sannadkii hore, Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee Maraykanka waxay 92-ka Soomaalida Diyaarad ka soo saartay Gobalka Louisiana si loogu soo celiyo Somalia, kadib, markii dadkaasi  loo jaray Amar lagu masaafurin lahaa, balse Diyaaradda waxay 20-daqiiqo ku hakatay  dalka Senigaal, ka hor intaan 92-ka qof ee Soomaalida dib loogu celinin Maraykanka, waxaana laga dejiyey Garoon ku yaalla magaalladda Miyaami ee Gobalka Florida.

Dhibanayaasha Soomaalida waxay buuxiyeen Dacwad ka dhan ah falalkii lagula kacay  intii ay Diyaaradda saarnaayeen, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay Ilaaladii la socotay Diyaaradda ay kula kaceen Jir-dil iyo cadaadisyo kale.

Professor  Steven Symes oo wax ka dhigay Jaamacad laga barto Cilmiga Daawada oo ku taalla magaalladda magaalladda Miami oo baaritaan ku sameeyey Dhibanayaasha Soomaalida ayaa sheegay in lagu xad-gudbay, isla markaana loo diiday Dawaeyn inta ay ku jiren Safarka.

- Advertisement -

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay qaarkooda la xanuunsanayeen dhawaacyo kaga yaallay Gacmaha, Luqunta, Garabka, Dhabarka iyo Qoobka.

Professor-ka oo buuxiyey Gal-Kiiseed ayaa sheegya inuu fahamsan yahay inay Dowladda Federalka beeniyeen inay 92-ka Soomaalida dhaawacyo ka soo gaaray Diyaaradii lagu masaafurin lahaa bishii December 7-dii ee sannadkan.

Si kastaba ha ahaatee,  Kormeeraha Xafiiska Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka waxa u ubilowgii sannadkan baaritaan ku bilaabay waaxa dadka Soomaalida k uqabsaday Diyaaradii lagu soo masaafurin lahaa.

Sidoo kale, Garsoore Heer Federal ayaa joojiyey in mar kale dadkaasi loo masaafuriyo dalkooda hooyo ee Somalia.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories