HomeCaalamkaCiiddanka Uganda ee ku sugan Gobalka Sh/hoose oo ka cabanaya mushaar la'aan

Ciiddanka Uganda ee ku sugan Gobalka Sh/hoose oo ka cabanaya mushaar la’aan

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wargeyska Maalinlaha ee MONITOR ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa soo daabacay Wareysiyo ay la yeesheen qaar ka mid ah Ciiddanka Uganda ee ku sugan Fariisimo ku yaalla Gobalka Sh/hoose, kuwaasi oo sheegay inay ka soo daahaan Musharadka iyo Sahayda ay u baahan yihiin. Wargeyska waxa uu qoray in Kharajka ku baxa dagaalka Alshabaab […]

- Advertisement -

Wargeyska Maalinlaha ee MONITOR ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa soo daabacay Wareysiyo ay la yeesheen qaar ka mid ah Ciiddanka Uganda ee ku sugan Fariisimo ku yaalla Gobalka Sh/hoose, kuwaasi oo sheegay inay ka soo daahaan Musharadka iyo Sahayda ay u baahan yihiin.

Wargeyska waxa uu qoray in Kharajka ku baxa dagaalka Alshabaab ka sarreeyo midka ay Saraakiisha  ay ku qiimeeyaan.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Ciiddankaasi ayaa sheegay inay xaabo ka raadsadaan goobaha dagaalka ee ay joogaan, si ay cunto ugu karsadaan.

Askari kale ayaa cabasho ka keenay Mushaarka la siiyo ,wuxuuna tilmaamay in loo sheegay in mushaar ahaan bil kasta la siin doono ugu yaraan 828 Dollar, balse haatan la siiyo lacag dhan 628 Dollar.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karamire waxa uu sharaxaad ka bixiyey Lacagta 300 Dollar ee laga jaro Ciiddankoda joogo Somalia, wuxuuna xusay in 100 Dollar loo siiyo Askari kasta si uu ugu maareeyo baahidisa Aagga Dagaalka, halka 100-kale ay Dowladda Uganda u qaadato Kharajkii lagu soo daad-gureeyey Ciiddankaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Afhayeenka waxa uu iska fogeeyey Eedeymaha ay Askarta Ugandese-ka ku sheegeen in la xadiday saamiga cunta garaam ahaan loo siiyo.

“Ma aha run, waayo Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia ayaa bixiya cunto ku filan” ayuu yiri Afhayeenka Ciiddanka Uganda, oo intaasi ku daray inay jirin xero Milliteri oo laga helo cunto ku filan, sida Somalia oo kale.

Waxaa kale oo uu qiray in sababo dhinaca dib-u-dhaca Gaadiidka sababto in Ciiddamadda la gaarsiiyo Sahaydooda caadiga.

Taliyaha  Guutadda Ciiddanka Uganad ee joogta somaalia,  PAUL L’OKECHwaxa uu xusay in dhibaatada dhinaca Gaadiidka u sabab tahay Miinooyinka ay Alshabaab ku aasaan Waddooyinka ay AMISOM isticmaalaan, kuwaasi oo uu xusay inay carqaladeeyaan Kolonyada Gaadiidka wada sahayda.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda waxay Garoon Diyaaradeed ka dhisanayaan magaalladda Baraawe, si sahayda AMISOM loo gaarsiiyo Ciiddankooda ka haw-gala Gobalka Sh/hoose.

Latest stories