HomeWararDhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo soo bandhigay dowladaha Soomaaliya xiriirka la sameyneyso

Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo soo bandhigay dowladaha Soomaaliya xiriirka la sameyneyso

Date:

Related stories

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6 Muqdisho, 10 Juun...

Baydhabo oo dooranaysa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Baydhabo oo dooranaysa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Baydhabo, 10 Juun 2026 –...

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri “waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskaashi iyo isxurmayn.”

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories