HomeWararDaawo Sawirrada Madax ka qeyb gashay Caleemo-saarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Daawo Sawirrada Madax ka qeyb gashay Caleemo-saarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri “waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskaashi iyo isxurmayn.”

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyo hufnaanta ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada Golaha Shacabka hannaankii dimuqraadiyadda iyo hufnaanta ku salaysnaa ee ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Waxaa kale oo ammaanay xildhibaannadii u istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka , aqbalayna natiijadii codbixinta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories