HomeCaalamkaMuwaadin Somali-Canadian oo laga soo masaafurin lahaa dalkaasi oo la hakiyey

Muwaadin Somali-Canadian oo laga soo masaafurin lahaa dalkaasi oo la hakiyey

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Irshaad Maxamed Axmed ayaa ka badbaaday qorshe lagu soo masaafurin lahaa, kadib, markii ay Dowladda Kanada ku fashilantay inay isaga siiyaan Nuqul ka mid ah Websyatka Dadweynaha ee lagu soo gudbiyey heerka ay marayso Kiiska isaga ka dhanka ah. Irshaad Maxamed Axmed oo isaga Kanada tegay isagoo 7 jir ah sannadkii 1990-kii,  waxaa horey loogu […]

- Advertisement -

Irshaad Maxamed Axmed ayaa ka badbaaday qorshe lagu soo masaafurin lahaa, kadib, markii ay Dowladda Kanada ku fashilantay inay isaga siiyaan Nuqul ka mid ah Websyatka Dadweynaha ee lagu soo gudbiyey heerka ay marayso Kiiska isaga ka dhanka ah.

Irshaad Maxamed Axmed oo isaga Kanada tegay isagoo 7 jir ah sannadkii 1990-kii,  waxaa horey loogu soo oogay Falal-dembiyeed ay ka mid yihiin Tahriibinta Hubka, Daroogada iyo weerar hubeysan.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo Muwaadinimadda Kanada qaatay sannadkii 1995-tii waxa uu dhowr jeer ka badbaaday in loo soo masaafuriyo Somalia.

Dowladda Kanada waxay ansixisay bilowgii sannadkii 2003-dii fursad lagu so omasaafurin lahaa, balse, Hay’adda Adeegga Xuduudaha ee dalkaasi.

Garsoore HENRY  S. BROWN oo ka tirsan Maxkamadda Federalka ee dalkaasi waxa uu isbuuci hore sheegay  in Digniintaasi ahayd mid uusan Eedeysanaha maqlin ama aan la ogeysiinin.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Irshaad Maxamed Axmed waxa uu buuxiyey Qoraal Rafcaan ah oo uu u diray Maxkamadda Federalka, taasi o ouu uga soo horjeeday Khatarta qiimeynta Dowladda ee ay isaga ku masaafurin lahaayeen.

Irshaad Maxamed Axmed oo degaan ahaan ka soo jeeda magaalladda Muqdisho ayaa la joojiyey go’aanki ilagu soo masaafurin lahaa, kadib, markii ay Dowladda Kanada ku guul-daraysatay inay isaga u gudbiso Nuqulka Warbixinta isaga ka dhanka ah.

Go’aanka Dowladda Kanada ee ay ku sheegtay inuu Irshaad Maxamed Axmed khatar ku yahay ayaa weli taagan  Ammaanka, waxaana laga sugayaa inay soo saarto baaritaan cusub oo ku aadan Ammankiisa haddii dib loogu celiyo dalkiisa hooyo ee Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories