HomeCaalamka(DEGDEG): La-haystayaal Maraykan oo ku xirnaa Waqooyiga Kuurya oo la sii daayey

(DEGDEG): La-haystayaal Maraykan oo ku xirnaa Waqooyiga Kuurya oo la sii daayey

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweyne Donald Trump waxa uu goor dhow Bartiisa Twitter-ka soo dhigay in lagu guuleystay in la sii daayo 3 nin oo Maraykan ah, kuwaasi oo ku xirnaa dalka Waqooyiga Kuurya. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa la sheegay inuu Kulan Wanaagsan la yeeshay Hoggaamiyaha da’da yar ee Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un, isla […]

- Advertisement -

Madaxweyne Donald Trump waxa uu goor dhow Bartiisa Twitter-ka soo dhigay in lagu guuleystay in la sii daayo 3 nin oo Maraykan ah, kuwaasi oo ku xirnaa dalka Waqooyiga Kuurya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa la sheegay inuu Kulan Wanaagsan la yeeshay Hoggaamiyaha da’da yar ee Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un, isla markaana la sii daayey 3-da nin ee Maraykanka ah.

- Advertisement -

Xoghaye Pompeo iyo ragga la sii daayey ayaa la sheegay inay u soo ambabaxeen dalka Maraykanka.

Madaxweyne Trump waxa kale oo uu Twitter-kiisa ku qoray inay raggaasi u muuqdeen kuwo caafimaad qaba, oo ay haatan hawada ku soo jiraan.

Tweet kale ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay  inay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo 3-dii La-hayste ka so odegi doonaan Saldhigga Diyaaradaha ee Andrews Air Force Base abaaraha 2-da habeenimo ee Khamiista.

- Advertisement -

Waxa uu Trump sii raaciyey:= “Waxaan xaadir ku noqon doonaa halkaasi, si aan iyaga u soo  dhaweeyo. Aad bay u xiiso badan tahay”..

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories