HomeWararDagaal Maalintii labaad ka socda Xaafad ka tirsan Magalada Muqdisho

Dagaal Maalintii labaad ka socda Xaafad ka tirsan Magalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa maalntii labaad ee dagaal ka dhacay xaafada Kaawa godeey ee degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir,kaas oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo u abaabulan qaab beeleed. Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooay hal ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen,waxana la sheegya in maleeshiyaadka dagaalamay ay iksuheystaan Guri halkaasi laga dhisayo […]

- Advertisement -

Waxaa maalntii labaad ee dagaal ka dhacay xaafada Kaawa godeey ee degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir,kaas oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo u abaabulan qaab beeleed.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooay hal ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen,waxana la sheegya in maleeshiyaadka dagaalamay ay iksuheystaan Guri halkaasi laga dhisayo oo ay lacago ka qaateen.

- Advertisement -

Dadka ku nool Xaafada Kaawa godeey qeybta degamda Dharkenley ayaa waxa ay sheegeen in markale dagaal halkaasi uu ka dhacay,isla markaana uu socdo in ka badan laba saacadood,balse weli aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta.

Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka jirta goobta lagu dagaalamay,waxaana dad aan la xiriirnay ay sheegeen in ay weli maqlayaan rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay isku ridayaan.

Maamulka degmada Dharkenley weli dagaalkaas kama hadlin,waxaana taasi walaac ka muujiyey waxgaradka ku nool degmadaas.

- Advertisement -

Aaga lagu dagaalamayo ayaa waxaa uu dhowr talalabo u jiraa Warshada Nacnaca oo ah Xarun lagu tababaro Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,waxana sidoo kale ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories