HomeCaalamkaKenya iyo Uganda oo Hub farabadan iibsanaya, xilli ay Ciiddankooda dagaal kula...

Kenya iyo Uganda oo Hub farabadan iibsanaya, xilli ay Ciiddankooda dagaal kula jiraan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dowladaha Kenya iyo Ugnada ayaa la sheegay inay yihiin labada Waddan ee Bariga Dhexe ee Tartanka ugu jira Hubka, iyadoo ay Ciiddamadda labadaasi dal qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab. Kenya ayaa la sheegay inay 27 million oo Dollar u qoondeeysay inay hub ku soo iibsadaan sannadkan 2018-ka ilaa bisha june ee sannadka […]

- Advertisement -

Dowladaha Kenya iyo Ugnada ayaa la sheegay inay yihiin labada Waddan ee Bariga Dhexe ee Tartanka ugu jira Hubka, iyadoo ay Ciiddamadda labadaasi dal qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Kenya ayaa la sheegay inay 27 million oo Dollar u qoondeeysay inay hub ku soo iibsadaan sannadkan 2018-ka ilaa bisha june ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

- Advertisement -

Barlamaanka dalkaasi waxay isbuucii hore ansixiyeen Kharaj dheeri ah ee soo-gadashadda Hubka, iyadoo loo maray Miisaaniyadda Yar  ee dalkaasi (Mini Budget).

Ciiddanka Kenya ee KDF waxay hoos uga dhaceen Tartanka Hubka ee ay Uganda kula jireen, oo haatan hoggaaminaysa Tartanka Hubka ee Bariga Afrika.

Machadka Caalamiga ee Cilmi-baarista ee magaalladda Stochlom ee dalka Sweden (The Stockholm International Peace Research Institute (Sipri) waxay bishii hore shaaciyeen in  ay Kenya  sannadkii hore ka dalbatay dalka MONTENEGARO Hub ay  ku jireen Doonyaha Dagaalka ee Mustacmalka ah ee ay ku rakiban yihiin qoryaha AK 630 ee dhumucdooda tahay 30 milimitir iyo Doonyaha Ilaaladda Xeebaha ee la soo casriyeeyey ee noocoodu yahay JASIRI OPV

- Advertisement -

Wargeyska Business Daily ayaa qoray in Kharajka Dowladda Kenya ku bixinayso Hubka Culuss lagu sheegay  Baahida Difaaca ee Xuduudaha ee La-dagaalanka Alshabaab, oo iyagu horey hawlgallo uga fuliyey Degmooyin waaa weyn oo ku yaalla Kenya, gaar ahaan kuwa ku teedsan Xuduudka Kenya la wadaagto dalka Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories