HomeCaalamkaShirka iskaashiga dhaqaalaha Dalalka Qaaradda Afrika iyo Japaan oo Maanta la soo...

Shirka iskaashiga dhaqaalaha Dalalka Qaaradda Afrika iyo Japaan oo Maanta la soo gaba gabeynayo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Shalay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika waxaa ka furmay shir looga hadlayo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee Dalalka Qaaradda Afrika iyo Jabaan,waxana lagu wadaa in shirkaas Maanta la soo gaba gabeeyo. Shirkaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wadanka Japan,waxana ka qeyb galaya Madax uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Criral Ramaphosa, Wasiirro ka […]

- Advertisement -

Shalay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika waxaa ka furmay shir looga hadlayo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee Dalalka Qaaradda Afrika iyo Jabaan,waxana lagu wadaa in shirkaas Maanta la soo gaba gabeeyo.

Shirkaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wadanka Japan,waxana ka qeyb galaya Madax uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Criral Ramaphosa, Wasiirro ka socda Dowlaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ,iyo Wasiiro ka socda Dalka Japan, madax ka socotay ururo caalami ah,shirkadaha ganacsiga ee ugu waaweyn Dalka Japan iyo Dalalka Qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Shirkaas oo socday ,mudo laba Maalin ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa shirkaas u metelaya Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan,waxana la filayaa in Maanta Warmurtiyeed laga soo saaro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories