HomeWararDhageyso:-Galmudug oo DFS ku wareejisay Xarun lagu dhaqan celinayo Dhalinyarada ka...

Dhageyso:-Galmudug oo DFS ku wareejisay Xarun lagu dhaqan celinayo Dhalinyarada ka soo baxsata Al-Shabaab+Sawirro

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii leysku daray labadii Maamul ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa waxaa Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay ku wareejiyeen Xarun loogu talo galay in lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka soo baxda Al-Shabaab taas oo laga dhisay M/Dhuusamareeb. Goobta wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii leysku daray labadii Maamul ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa waxaa Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay ku wareejiyeen Xarun loogu talo galay in lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka soo baxda Al-Shabaab taas oo laga dhisay M/Dhuusamareeb.

Goobta wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan  iyo Agaasimaha Guud ee Waaxda Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Eng Cabdirashiid_Ibraahim oo uu la socday Agaasimaha dhaqan Celinta Maleeshiyaadka ee Maamulka Galmudug Najiib_Xirsi_Dhoore iyo madax kale.

- Advertisement -

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Xaruntaas loogu talo galay in lagu dahqan celiyo Carruur kas oo baxsaday Al-Shabaab kuwaas oo laga kala keenay degmooyin ka tirsan deegaannada Maamulka Galmudug akdib markii ay soo bateen dhalinyaro ka soo carareysa Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Agaasimaha Guud ee Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Eng Cabdirashiid_Ibraahim ayaa isna waxa uu sheegay in uu aad uga faraxsan yahay in Xaruntan la hirgeliyo,waxa uuna sheegay in lagu badbaadin doono Carruurta weli ka soo baxsaneyso Al-Shabaab.

Sikastaba Xaruntaan ayaa maalmaha soo socda waxaa lagu xareyn doonaa ilaa 71 Caruur ah oo haatan Galmudug ay gacanta ku heyso kuwaas oo dhawaan soo gaaray Dhuusamareeb kana yimid deegaano ay Maamulaan Al-Shabaab.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories