HomeWararXukuumadda Soomaaliya oo isbedel ku sameysay Sharciga Saxaafada Soomaaliya(Warsaxaafadeed)

Xukuumadda Soomaaliya oo isbedel ku sameysay Sharciga Saxaafada Soomaaliya(Warsaxaafadeed)

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay xuseysaa maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda, iyadoo si dhab ah u muujinaysa sida ay uga go’an tahay badbaadada saxaafadda iyo xaqiijinta xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed. 3-da May 2018, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan. Sanadkan waxaa cinwaanku yahay:: Hubinta Awoodda Maamulada: Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga. Dabaaldegyada sanadkan 2018, waxay […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay xuseysaa maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda, iyadoo si dhab ah u muujinaysa sida ay uga go’an tahay badbaadada saxaafadda iyo xaqiijinta xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed.

3-da May 2018, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan. Sanadkan waxaa cinwaanku yahay:: Hubinta Awoodda Maamulada: Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga. Dabaaldegyada sanadkan 2018, waxay diiradda saarayaan muhiimadda abuuridda jawi sharcigu ilaaliyo xoriyadda saxaafadda, iyo in si gaar ah loo tilmaamo doorka madaxa bannaan ee hey’adda sharciga si loo xaqiijiyo damaanad qaadka xoriyadda saxaafadda iyo soo oogidda dacwadaha la xiriira dambiyada lagula kaco saxafiyiinta.

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda.

“Waxaan isbadal ku sameynay Sharciga Saxaafadda si aan u tixgalinno qodobo ay saxaafadda madaxa bannaan soo jeediyeen in laga badalo sharcigii jiray. Sharciga, ayaa hadda horyaalla baarlamaanka federaalka si loo ansixiyo kadibna madaxeynuhu u saxiixo, markaas kadib oo uu si rasmi ah sharci u noqonayo, Lana hirgalin doono. Waxay kaloo wasaaradda bishii April abuurtay nidaamka qaran ee badbaadada saxafiga, iyadoo sidoo kalena dhistay guddi qaran, oo ilaaliya badbaadada saxafiga. Hey’adaha cadaaladda, ayaa guddiga xubin ka ah si ay u taageeraan baahida sharciga ee saxaafadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dastuurkeeda ku damaanad qaadday Xoriyadda Saxaafadda.” Ayuu yiri mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis.

Wasaaraddu, waxay xuseysaa maalinta Xoriyadda Saxaafadda 3-da May 2018, iyadoo si buuxda ula shaqeynaysa Ururka Qaranka ee Midowga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo warbaahinta gaarka ah ee Soomaaliya si loogu xaqiijiyo in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay saxaafadda Soomaaliyeed, iyadoo damaanad qaadaysa xoriyadooda, isla markaana si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonta ilaalinta warbaahinta Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay fulinaysaa baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ah “Dowladaha Adduunku in ay xoojiyaan xoriyadda saxaafadda, ayna difaacaan saxafiyiinta. Dhiirigalinta xoriyadda saxaafadda, waxay ka dhigan tahay in aan helno xaqa aan u leenahay ogaanshaha runta.” Ayuu yiri António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda, waxaa markii ugu horeysay lagu asteeyay shirkii guud ee Qaramada Midoobay bishii Diseembar 1993, kadib markii lagu soo jeediyay shirkii guud ee UNESCO. Wixii markaa ka dambeeyay maalinta 3 May, sanadguuro kastaa, waxaa la xusaa Cahdigii Windhoek ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida.

END

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories