HomeCaalamkaSarkaal ka tirsan AMISOM oo sheegay in Hoggaamiyaasha Dhaqanka kala hadlayaan ka...

Sarkaal ka tirsan AMISOM oo sheegay in Hoggaamiyaasha Dhaqanka kala hadlayaan ka hortaga fikirka Al-Shabaab

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wargeyska Maalinlaha ee THE MONITOR ee ka soo baxa Kampala ayaa maanta qoray inay Taliska AMISOM bilaabeen inay Milliterigooda la kulmaan, si ay ula hadlaan Bulshadda Soomaalida, si ay ugu guuleystaan Quluubtooda. Qorshahan cusub ayey AMISOM ku doonayaan inay ku gaaraan Madaxda Beelaha iyo Muwaadiniinta Caadiga ee Soomaalida, si ay uga saaraan waxa ay Borobogaandada […]

- Advertisement -

Wargeyska Maalinlaha ee THE MONITOR ee ka soo baxa Kampala ayaa maanta qoray inay Taliska AMISOM bilaabeen inay Milliterigooda la kulmaan, si ay ula hadlaan Bulshadda Soomaalida, si ay ugu guuleystaan Quluubtooda.

Qorshahan cusub ayey AMISOM ku doonayaan inay ku gaaraan Madaxda Beelaha iyo Muwaadiniinta Caadiga ee Soomaalida, si ay uga saaraan waxa ay Borobogaandada Alshabaab ku sheegeen inay Ciiddanka AMISOM yihiin Gaallo, loona baahan yahay in laga saaro dalka.

- Advertisement -

Taliyaha Guutada 19-aad ee Ciiddanka Uganda ee hoos tagta Kooxda Dagaalka ee 22 ee ka hawl-gala Deegaanka Buufow ee Gobalka Sh/hoose, Kolonel Lt Robert Nahamya, oo la hadlay Wargeyska The Monitor ayaa sheegay inay Alshabaab ku guuleysteen inay kasbadaan Quluubta dad badan oo Soomaali ah, kadib, markii ay u sheegeen inay Ciiddanka AMISOM doonayaan inay Kirishtaanimo keenaan dalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Kolonel Robert Nahamya waxa uu xusay inaysan sii shaqeyn doonin Dacaayadaasi,wuxuuna intaasi ku daray inay AMISOM Bilowday inay Mujtamaca u sheegaan arrintaasi.

“Eeg, AMISOM waxaa ku jira Muslimiin, waxaana qalad kuugu ah inaad si fudud ugu dagaalanto danno Diimeed” ayuu yiri.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyey ee Ciiddamo u soo daabula Somalia sannadkii 2007-dii, kuwaasi oo ilaa iyo haatan qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories