HomeCaalamkaBoliska Maraykanka oo toogasho ku dilay Haweeney Soomaali oo dhimirka looga jiray

Boliska Maraykanka oo toogasho ku dilay Haweeney Soomaali oo dhimirka looga jiray

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa argagax ka qaaday fal ay Boliska Maraykanka ku toogteen Haweeney Soomaali ah oo la oran jirey Shukri Cali Saciid oo 36-jir ahayd. Labo Sarkaal oo ka tirsan Boliska Gobalka Georgia ayaa la sheegay inay Haweeneydaasi toogteen maalintii Sabtida ee la soo dhaafay, kadib, markii ay diiday inay iska dhigto […]

- Advertisement -

Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa argagax ka qaaday fal ay Boliska Maraykanka ku toogteen Haweeney Soomaali ah oo la oran jirey Shukri Cali Saciid oo 36-jir ahayd.

Labo Sarkaal oo ka tirsan Boliska Gobalka Georgia ayaa la sheegay inay Haweeneydaasi toogteen maalintii Sabtida ee la soo dhaafay, kadib, markii ay diiday inay iska dhigto Tooreey ay wadatay.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Saldhigga  Boliska Johns Creek  ee Gobalka Georgia ayaa lagu sheegay in laga soo wacay Telefoonka Gurmadka ee 911, loona sheegay inay Haweeney Toorey wadata khatar ku hayso noloshooda.

Marxuumadda la dilay ayaa la sheegay inay qabtay xanuun dhinaca Dhimirka, waxayna Boliska ku guul-daraysteen dhowr isku-day oo ay ku doonayeen inay Mindida kaga dhigaan, balse markii dambe ayey toogasho ku dhaawaceen.

Hadal ka soo baxay Boliska Dembi-baarista ayaa lagu sheegay inay Haweeneydaasi loola cararay Isbitaalka, balse ay u geeriyootay dhaawacii Toogashadaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Golaha Muslimiinta ku nool Mraaykanka iyo Soomaalida ku nool gobalka Minnesota ayaa ku baaqay in Boliska la siiyo Tababar, si ay ula macaamilaan Dhibanayaasha dhimirka ka xanuunsan.

Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa sheegay inaysan Boliska noqon Karin Garsoore iyo Dilaa’, waxayna ugu baaqeen inay si deggan ula macaamilaan dadka ay ka shakiyaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories