HomeWararAkhriso:-Magacyada musharixiinta Maanta ku tartameysa doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Akhriso:-Magacyada musharixiinta Maanta ku tartameysa doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Maanta oo Isniin ah kuna beegan 30/4/2018 ayaa lagu wadaa in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ay ka dhacdo gudaha Magalada Muqdisho xilkaas oo uu baneeyey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Illa 11 musharax oo dhammaantood ah Xildhibaano ayaa xilkaas u taagan in ay u tartamaan,waxana xalay Hotelada Muqdisho ay ka wadeen olole uu qof walba […]

- Advertisement -

Maanta oo Isniin ah kuna beegan 30/4/2018 ayaa lagu wadaa in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ay ka dhacdo gudaha Magalada Muqdisho xilkaas oo uu baneeyey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Illa 11 musharax oo dhammaantood ah Xildhibaano ayaa xilkaas u taagan in ay u tartamaan,waxana xalay Hotelada Muqdisho ay ka wadeen olole uu qof walba ku doonayo in isagu ay xildhibaannada doortaan.

- Advertisement -

Doorashadaan oo ah midi ugu adkeyd e loogu tartamo xilka guddoomiye Baarlamaan ayaa illaa iyo hadda aysan jirin cid loo saadaalin Karin in ay xilkaas ku guuleysan karto.

Musharixiinta ayaa xilligii ay jeedinayeen khudbadaha waxa ay sheegeen in ay waxbadan ka bedeli doonaan Baarlamaanka Soomaaliya laakin la sugayo waxyaabaha uu qabto Shaqsigii loo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qaban qaabadii u dambeysay ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota Muqdisho,waxaana aad loo adkeeyey amniga Xarunta Golaha Shacabka oo la filayo in Saacadaha soo socda ay doorashada ka bilaabato.

- Advertisement -

Hadaba Hoos Ka Akhriso Magacyada 11 Musharax ee xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen

4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar

8- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan

9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

11-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories