HomeCaalamkaRa’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo u duulay dalka Burundi

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo u duulay dalka Burundi

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) iyo wafdi uu jogaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi si uu uga qeyb galo ama uu u dhiirageliyo Ciyaartoyda xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya oo Galabta Ciyaar la leh dhigooda Tanzania. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshuhu ahaa in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) iyo wafdi uu jogaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi si uu uga qeyb galo ama uu u dhiirageliyo Ciyaartoyda xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya oo Galabta Ciyaar la leh dhigooda Tanzania.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshuhu ahaa in uu Burundi u safro balse uu ka baaqsaday,waxana Galabta uu goobjoog ka noqon doonaa Ciyaarta finalka ah ee xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya iyo Xulka Tanzania.

- Advertisement -

Xulka Qaranka Soomaaliya matelya ee 17-jorada ayaa waxaa  wareegi Sami-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay 2-1 uga soo badisay Kenya.

Sidoo kale Xulka da’yarta ee 17-jirada Soomaaliya waxa ay horay uga soo badiyeen xulalka Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ay barbarro galeen.

Sikastaba xulka Soomaaliya ayaa hadii Galabta ay koobka ku guuleystaan waxa uu noqon doonaa markii ugu horeysay uu Xul Soomaaliyeed ku guuleysto tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

No posts to display